Somalia: Tirada Dadka laga helay Cudurka Covid-19 oo Korodhay iyo Warbixintii u dambaysay ee heerka Xannuunku ka marayo

 

Muqdisho (SLpost)- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ayaa maanta soo saartay warbixinta Caabuqa Coronavirus ee 24-kii saac ee u dambeyey, waxaana lagu shaaciyey in maanta oo kaliya cudurka covid-19 laga helay 44 qof oo intooda badan ku nool yihiin caasimadda Soomaaliya.

Warbixinta ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka, waxa lagu sheegay in 3-qof ugu geeriyoodeen Xannuunka 24-kii saac ee lasoo dhaafay gudaha dalkaasi Soomaaliya.

Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay in 40 kiis oo Caabuqa Coronavirus ah laga diiwaan geliyey 24-kii saac ee lasoo dhaafay gudaha Muqdisho, halka 4-ta qof ee kale laga diiwaangeliyey maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Warbixinta ay shaacisay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, waxa lagu sheegay in dadka maanta la shaaciyey 35 ka mid ahi yihiin rag halka 9 kalena yihiin Dumar. Afar qof oo ka mid bukaankii hore ugu diiwaan-gashanaa xannuunka covid-19, ayaa la sheegay inay ka soo kabteen cudurka.

Tirada guud ee dadka gudaha dalkaasi Soomaaliya laga helay caabuqa Coronavirus, ayaa xilligan gaadhay 480 qof, halka tirada dadka u geeriyooday xannuunkani yihiin 26 Qof. Sidoo kale, tirada guud ee ka soo kabtay xannuunka ayaa lagu sheegay inay yihiin 14 ruux.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net