Somalia: Khubaro Amni oo ka digay in Kooxda Al-Shabaab tusaale ka dhigan karto Taliban

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Sida deg-degga ah ee Kooxda Taalibaan ula wareegtay gacan-ku-haynta dalka Afghanistan, ayaa abuurtay walaac laga qabo inay tallaabadaasi dhiirri-gelin u noqon karto kooxaha kale ee maleeshiyaadka ah ee ka dagaallama caalamka oo ay ku jirto Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Khubaro ku xeel-dheer dhinaca amniga waxa ay ka digayaan in haddii hawl-galka Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya isku dayaan inay ka baxaan, ilaalinta amniga ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya xilligan ay suurta-gal noqon karto inay timaadddo isbeddelka xaaladeed ee ka dhacay dalka Afghanistan.

Cabdisalaam Guleed oo ah sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka Soomaaliya, ayaa sheegay in dalkaasi wejihi karo xaalad la mid ah Afghanistan haddii aanay dowladda Soomaaliya soo af-jarin ku tiir-sanaanta ciidamada shisheeye ee nabad-ilaalinta u jooga dalkaas.

Advertisement

Sarkaalkan oo hadalkiisa sheegay maalin kaddib markii Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ay u dabbaaldegtay dhicitaankii dowladda Afghanistaan, wuxuu sheegay in inkasta oo Al-Shabab aanay lahayn awoodda milatari ee Taalibaan, haddana aanu shaki ku jirin inaanay waxba hor istaagi doonin haddii ay doortaan jidkaas.

Cabdisalaam Guuleed oo hore u soo noqday Ku xigeenka Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Sooomaaliya, waxa uu intaas ku daray in ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya ay hadda gacanta ku hayaan amniga inta badan gobollada Soomaaliya, iyagoo taageero ka helaya ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM.

Bishii Abril, ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya waxay la wareegeen hoggaanka howlgallada, sida lagu qeexay Qorshaha Kala -guurka Soomaaliya oo ay oggolaadeen dowladda iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM.

La -taliyaha Amniga ee madaxweynaha Soomaaliya, Cabdi Saciid Cali, oo warbaahinta la hadlayey toddobaadkan, ayaa meesha ka saaray in lays barbardhigo awoodaha Milatari ee Taliban iyo Alshabaab iyo Xaaladaha ammaanka ee magaalooyinka Muqdisho iyo Kabul.

Ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Africa, ayaa Kooxda Al-Shabab ka saaray magaalada Muqdisho sannadkii 2011, laakiin kooxda ayaa wali gudaha magaalada ka fulisa qaraxyo iyo weerarro ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah.

W/Wararka

Advertisement