Somalia: Dhimashada iyo Kiisaska Covid-19 oo Korodhay iyo Askar AMISOM ah oo laga helay Cudurka

 

Muqdisho (SLpost)- Hal Qof ayaa maanta u dhintay Cudurka Covid-19 magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya, halka 35 kiis oo hor lehna la xaqiijiyey, sida ay shaacisay wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas.

Kiisaska cusub ee maanta la shaaciyey, ayaa badankooda laga helay magaalada Muqdisho, waxaanay tirada guud ee cudurka laga helay dalkaas ka dhigaysaa in ka badan 1000 Qof.

Advertisement

Xogta maanta la shaaciyey, 25 ka mid ah 35-ta qof ee cudurkaas laga helay waa rag, halka 10-ka kale ay dumar yihiin.

Tirada guud ee kiisaska cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa noqonaysa 1,046 xaaladood, halka dadka ka bogasaday gaadhayaan 121 qof, dhimashada uu sababay xanuunkaas waxa ay gaadhaysaa 48 qof.

Dhinaca kale, sida aanu ka soo xigannay Wargeyska East African Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, 37 ka mid ah Ciidamada nabad-ilaalinta u jooga dalkaas ee AMISOM, ayaa laga helay caabuqa Coronavirus, iyadoo dhacdadani muujinaysaa sida uu cudurkani u baahay dalkaasi Soomaaliya.

Ilo wareedyo ka tirsan AMISOM ayaa wargeyska The East African u xaqiijiyey in 37 ka tirsan Ciidamada AMISOM uu ku dhacay cudurka COVID-19, kuwaas oo intooda badani ka soo jeedaan dalka Uganda marka laga reebo Toddoba ka mid ah oo u dhashay dalka Burundi.

Askarta ee ka tirsan AMISOM ee uu  cudurka ku dhacay, ayaa la sheegay in lagu hayo xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo ay deggen yihiin. Waa markii u horeysay ee kiisaska xannuunka Covid-19 oo laga xaqiijiyey Ciidammada nabad-ilaalinta u jooga dalkaasi Soomaaliya.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On