Socdaalka Muuse Biixi ee Beriga, soo-dhaweyntii Shacabka iyo Bilicda Muuqaallada Hannaankii Gelbiska Weftiga oo Berbera ku hoyday

Berbera (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo  ku gaadhay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, waxana halkaas kusoo dhaweeyey shacabka ku dhaqan magaalada Berbera iyo nawaaxigeeda.

Wefdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha  Gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Horumarinta Beeraha, Mudane  Axmed Muumin Seed, iyo Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Xuseen Aadan Cadde, iyo siyaasiyiin milgo iyo miisaan leh oo ay kamid yihiin, Ambassador Cawil Cali Ducaale, Farxaan Aadan Haybe, xildhibaanno iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan.

Soo Dhawayntii Muse BIixiMadaxweynaha iyo wefdiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn waxa si weyn  loogu soo dhaweeyey dhammaanba deegaannada u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ay taagnaayeen dadweyne caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland lulaya, isla markaana muujinaya taageerada laxaadka leh  ee ay u hayaan hoggaaminta madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo shacabweyne tiro badan oo ku dhaqan magaalada Berbera, ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa kaga horyimi duleedka Galbeed ee magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu shacabka kula qaatay socod lug ah oo masaafad dheer ah.

Muuse Biixi_Berbera (1) Muuse Biixi_Berbera (2) Muuse Biixi_Berbera (3) Muuse Biixi_Berbera (4) Muuse Biixi_Berbera (5) Muuse Biixi_Berbera (6) Muuse Biixi_Berbera (7) Muuse Biixi_Berbera (8) Muuse Biixi_Berbera (9) Muuse Biixi_Berbera (10) Muuse Biixi_Berbera (11) Muuse Biixi_Berbera (12) Muuse Biixi_Berbera (13) Muuse Biixi_Berbera (14) Muuse Biixi_Berbera (15) Muuse Biixi_Berbera (16) Muuse Biixi_Berbera (17) Muuse Biixi_Berbera (18) Muuse Biixi_Berbera (19) Muuse Biixi_Berbera (20) Muuse Biixi_Berbera (21) Muuse Biixi_Berbera (22) Muuse Biixi_Berbera (23) Muuse Biixi_Berbera (24) Muuse Biixi_Berbera (25) Muuse Biixi_Berbera (26) Muuse Biixi_Berbera (27) Muuse Biixi_Berbera (28) Muuse Biixi_Berbera (29) Muuse Biixi_Berbera (30) Muuse Biixi_Berbera (31) Muuse Biixi_Berbera (32) Muuse Biixi_Berbera (33) Muuse Biixi_Berbera (34) Muuse Biixi_Berbera (35)8B7A8558 8B7A8563 8B7A8566 IMG_8782 IMG_8785 IMG_8793 IMG_8796 IMG_8809 IMG_8820 IMG_8822 IMG_8828 IMG_8834 IMG_8843 IMG_8848 IMG_8859 IMG_8861 IMG_8877