“Socdaalka Madaxweynuhu ku Joogo Berbera Waa mid Gaar ah” Afhayeenka Madaxtooyada

 

Berbera (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay warar ay warbaahintu ka qortay in gacan ku haynta dekedda Berbera lagu wareejinayo shirkado ajanabi ah kuwaas oo maamulkeeda iyo maareynteedaba u gacan banaannaan doona. Xukuumaddu waxaa ay  beenisay war sheegayay in Booqashadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku joogo Berbera ay la xidhiidho sidii Ganacsato Carbeed loogu wareejin lahaa dekadda Berbera. Afhayeenka Madaxtooyadda  Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo Xalay u warramay degelka wararka ee Gudgudenews oo aanu ka soo xiganay warkan, ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid been abuur ah. Waxaanu ku dooday inaanay jirin cid dekadda Berbera lagu wareejinayaa.

“Waxa aan doonayaa inaan kuu xaqiijiyo inaanay waxba ka jirin warar saxaafadda qaarkeed ay qoreen oo sheegayay in Madaxweynuhu u tagay gobolka Saaxil hindise la xidhiidha wareejinta dekadda Berbera. Arrintaasi waa been. Waxaana habboon in saxaafaddu la timaado xil-kasnimo oo aanay bulshadda u gudbin warar been ah,”ayuu yidhi Afhayeen Xuseen Aadan Cigge.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland ayaa sheegay in socdaalka Madaxweynuhu yahay mid gaar ah, waxaanu yidhi “Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ku joogo gobolka Saaxil gaar ahaan magaaladda Berbera waa mid gaar ah. Way jirtay in madaxweynuhu marar badan booqasho shaqo ku tagay Berbera, hase yeeshee booqashadiisani waa mid gaar ah.” “Inkasta oo socdaalkiisa madaxweynaha Somaliland uu yahay mid gaar ah, haddana waxa suurto gal ah inuu la kulmo maamulka gobolka iyo ka degmadda. Waxaanay Berbera ka mid tahay gobollada uu madaxweynuhu booqashooyinka ugu badan ku tagay intii uu xilka hayay.” Madaxweynaha Somaliland waxa uu  shalay  salaadii jimcaha magaaladda Berbera kula tukaday boqolaal qof masjidul Hudda ee magaalo xeebeeda Berbera, ka dibna waxa uu socod ku soo maray meelo ka mid ah shaaricyadda Magaaladda Berbera.