Socdaalada Xasan Sheekh Ee Imaaraadka Iyo Dagaaladiisa Diblomaasiyadeed Ee Somaliland

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalka Imaaraadka Carabta ku jooga safar, waxaanu la kulmay qaar ka mid ah madaxda mandaqada Imaaraadka Carabta, iyagoo ka wada hadlay wax ay ugu yeedheen danaha labada dal.

C02_6650

Socdaalka uu Xasan Sheekh Maxamuud ku joogo dalka Imaaraadka Carabta, waxa doorkan si weyn wax uga qoray warbaahinta dalkaas ee isugu jirta mida dawladda iyo saxaafadda gaarka loo leeyahay, waxaanay diirada saareen kulankii uu Madaxweynaha Somaliya la yeeshay dhaxal sugaha Abu Dhabi oo uu kulanka ku weheliyay wasiirul dawlaha khaarajiga Imaaraadku.

Lama oga in wada hadalada uu Xasan Sheekh kula jiro Imaaraadka Carabta uu ku koobayo dalkiisa Somaliya iyo inuu sidii looga bartay si jar iska xoor ah soo hadal qaado arrimaha Somaliland, isagoo muddooyinkan dambe bilaabay dagaalo diblomaasiyadeed oo uu ka dhan ah Somaliland.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dhawrkii toddobaad ee u dambeeyay la sugayay safar uu ku tago dalka Imaaraadka Carabta oo xidhiidh wanaagsan la leh dawladda Somaliland, lamana garan karo in xidhiidh ka dhexeeyo safarka Xasan Sheekh ku joogo Imaaraadka iyo safarka madaxweynaha Somaliland ee la hadal hayay muddo.

Xigasho geeska