Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga oo Dhaliilay Xil-gudashada Qaran ee Wasaaradaha Xukuumadda Muuse Biixi

Hargeysa (SLpost)- Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga, ayaa dhaliilay nidaamka shaqo ee wasaaradaha Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay ku tilmaameen hay’ado fadhiid ah oo ka gaabiyey hawlihii shaqo ee ay Qaranka ugu xil-saarnaayeen.

 

Siyaasiyiinta ku Bahoobay Madasha Wada-tashiga oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa ay daboolka ka qaadeen in baadhitaanno ay in muddo ah ku sameynayeen isla markaana ugu kuur-galeen qaabka ay u shaqeeyaan hay’adaha Xukuumadda Madaxweyne Biixi, waxa ay sheegeen inay uga soo baxday gol-daloolooyin maamul iyo kuwo shaqo oo hadheeyey Wasaaradaha Qaarkood, kuwaas oo sida ay sheegeen aan u shaqaynin sidii la rabay.

 

Faahfaahinta Warkan ka Daawo Muuqaalkan Hoose

 

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net