Siyaasiyiin Ku Dhawaaqday GOLE Xukuumaddu si weyn uga Qaylisay oo Sharraaxaad ka Bixiyey Nuxurka uu xambaarsan yahay Gole-weynahoodu

Hargeysa (SLpost)- Siyaasiyiin todobaadkii hore magaalada Hargeysa kaga dhawaaqday Gole loogu magac-daray GOLAHA WADA-TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA, ayaa shacbiga tafaasiil dheeraad ah ka siiyey Nuxurka iyo nooca Golaha ay ku dhawaaqeen oo Xukuumaddu si weyn uga Qaylisay.

War-saxaafadeed Xambaarsan Ujeeddada loo aasaasay golahan oo Guddida Golahani caawa ka soo saareen magaalada Hargeysa, ayaa u dhignaa sidan:

“BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM

Waxaanu Ummada Somaliland meel kastoo ay joogto leenahay Ramadaan kariim

Waxaa shir dheer oo Xubnaha Goluhu  isugu yimid laga maarmi waayey in aan mar labaad shacabka sharafta iyo qadarinta leh  ugu celino nuxurka Golaha wada-Tashiga iyo Toosinta Qaranka.

Kelmada GOLE waa erey ka da’ weyn  dhismaha dawladda aynu iminka naqaano, oo Somaalidu soo isticmaalaysay wakhti aan dawlad ba la aqoon. Tusaale: Gole Geel-jire, Gole ciyaareed, Gole wada hadal, Gole colaadeed, Gole nabadeed, iyo Gole xidid iyo Gole Diineed.

Iminkana waxa loo isticmaalaa Golaha Salaadiinta , Golaha Cuqaasha, Golaha Suugaanta iyo Golaha Barayaasha.

Sidaa darteed, waxa hadalka Xukuumadda ka muuqday inay dadweynaha  sifo khaldan ugu dhigeysay , taas oo  aanu ku sharaxnay ereyga GOLE isticmaalkiisii hore iyo kan dambeba.

Golayaasja Qaranka ee Dastuurku jideeyey waa sadddex: 1) Golaha Xukuumada, 2) Golaha Wakiilada iyo 3) Golaha Guurtida, midna maanaan sheegan. Xisbi Qaran maanaan sheegan, ee waxanu nahay Muwaadiniin talo aanu isleenahay wax bay u tareysaa Dalka iyo Dadka u soo jeediyey, sida Dastuurku xaqa u siiyey inuu fikirkiisa cabirikaro.

Sida darteed, waxaanu  Ummadda  Somaliland u sheegeynaa nuxurka Goluhu waa waxa ha la saxo, waana  waxaynu wada leenahay dhamaanteen oo u baahan inaynu ka wada tashno marka ay timaado kale duwanaansho fikir iyo aragti ku salaysan xaguu   Waddanku u socdaa ma tahay wadadii guusha?

Waxanu Mar Labaad Caddeynaynaa Inaanu Golahanu Ahayn Gole Ku Jira Tartan Siyaasadeed.  Nuxurkuna Waxa Weeye  Inaynu Wixii Khaldan Ku Dhameysano Talo Loo Wada Dhanyahay Oo Hareeraha Laga Wada Joogo, Sidii Somaliland Ku Caano Maashay Loo Adkeeyo Midnimadeena.

ALLA MAHAD LEH,

WAA INOO TOOSIN IYO TURXAAN BIXIN INSHAALLAH.