Siyaasi Waran-cadde oo hadlay Heshiiska laga gaadhay Doorashooyinka iyo Jihada Hankiisa Siyaasadeed

 

Hargeysa (SLpost)- La-taliyaha Arrimaha Siyaasadda ee madaxweynaha Somaliland, Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa ka hadlay heshiiska dhawaan lagu soo af-jaray khilaafka doorashooyinka ee dhexmaray guddoomiyeyaasha xisbiyada iyo madaxweynaha Somaliland, waxaanu ku baaqay inay dhinacyadu ku dedaalaan sidii loo fulin lahaa heshiiskaas.

Siyaasi Waran-cadde oo Gurigiisa ugu xog-warramay Qaybo ka mid ah warbaahinta, waxa uu sheegay inuu soo-dhawaynayo aqbalaadda iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen Xisbiyada Qaranka iyo xukuumadduba, taasina qayb ka tahay oo muujinayso Isu-tanaasulka iyo Qaan-gaadhnimada siyaasadeed ee Somaliland.

Muuqaalka Hoose ka Daawo faahfaahinta Warkan.