Siyaasi Ruug-caddaa ah oo lagu Wado in loo magacaabo Raysal-wasaaraha Dalka Masar

MOHAMMAD_ELBARADEIQaahira (SLpost)- Madaxii hore ee hay’adda quwadda Atoomika Qaramada Midoobay Mohamed ElBaradei, ayaa la filayaa in loo magacaabo Raysal-wasaaraha Cusub ee dalka Masar, laba maalmood ka dib markii Milatariga dalkaasi talada ka tuuray xukuumaddii madaxweyne Maxamed Mursi oo sannadkii hore ku guulaystay aqliyadda codadka shacabka Masar.

Sida ay baahiysay wakaaladda Wararka  Masar ee Mena, siyaasigan ruug-caddaaga ah oo wakhtigan hoggaamiya xisbiga mucaaradka ee ugu miisaanka culus, ayaa la sheegay inuu ilaa shalay kulamo la qaadanayey madaxweynaha ku-meelgaadhka ah Adly Mahmud Mansour, waxaaana la filayaa in natiijada kulankooda lagu go’aamin doono raysal-wasaaraha cusub ee waddankaasi yeelanayo.

Tallaabada madaxweynaha ku-meel-gaadhka ah ee Masar ku dhaq-dhaqaajiyey magacaabista reysal-wasaaraha ee dalkaas iyo kulanka dhexmaray hoggaamiyaha ugu miisaanka culus mucaaradka, ayaa sababay isku-dhacyo rabshado wata oo taageerayaasha Mursi dorraad Jimcihii ku gil-gileen magaalooyinka ugu waaweyn waddankaas.

In ka badan 30 qof ayaa ku dhintay, Boqolaal kalena waa ay ku dhaawacmeen mudaharaaddada ay dorraad sameeyeen taageerayaasha Akhwaanul-Muslimiinta Masar ee talada dalkaas xoogga lagaga riday.

Mr Elbaradei oo madax ka ahaan jiray hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan ilaalinta hubka Nukliyeerka, ayaa wakhtigan hoggaamiya isbahaysiga Xisbiyada Garabka bidix iyo kuwa xornimo-doonka ah, waxaanay magacaabistiisu dabka ku sii hurinaysaa bannaan-baxyada taageerayaasha Mursi iyo ururka Ikwaanul-muslimiintu kaga soo horjeedaan af-gembiga lagu riday Madaxweyne Mursi.

Isu-soo-baxyo ballaadhan, ayaa taageerayaasha Mursi shalay ka sameeyeen magaalada Qaahira, kuwaas oo ay ku dalbanayeen in talada dalka lagu celiyo madaxweynahooda. Haseyeeshee, taageerayaasha mucaaradka ee ka soo horjeeda Mr Mursi, ayaa maanta u ballansan bannaan-baxayo lagaga soo horjeedo Ururka Akhwaanul-Muslimiinta.

Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka tirsan ururka Ikhwaanul-Muslimiinta, ayaa ku jira Xabsi-guri ay ku hareeraysan yihiin Ciidamo Milatari ah.

SOMALILANDPOST.NET