Siyaasi Cali Waran-cadde oo Digniin Adag u diray Somaliya iyo Shaqsiyaadka Somaliland u metela

 

Hargeysa (SLpost)- La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Siyaasadda Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa dowladda Soomaaliya uga digay faro-gelin uu sheegay inay ku hayso arrimaha Somaliland.

Cali Maxamed Waran-cadde oo maanta warbaahinta kula hadlay Beerta Libaaxyada ee Hargeysa, waxa uu dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay faro-gelin ku hayso arrimaha Somaliland oo shaqsiyaad aan metelin qaddiyadda Jamhuuriyadda ay uga hawl-gelisay inay u metelaan doorashooyinka la filayo inay Soomaaliya ka qabsoomaan sannadka soo socda.

Siyaasi Waran-cadde, waxa kale oo uu digniin u jeediyey shaqsiyaadka u dhashay Somaliland ee ku jira dowladda Soomaaliya iyo kuwa doonaya inay ka qayb-qaataan doorashada baarlamaanka ee dalkaas, isagoo sheegay inaanay jiri doonin shaqsi dambe oo u shaqo taga Soomaaliya oo dowladda iyo qaranka Somaliland cafis u fidiso.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net