Siyaasi Cabdinaasir Buuni oo si adag u dhaliilay Maxamuud Xaashi Cabdi

 

Hargeysa (SLpost)– Siyaasiga madaxa-bannaan ee Cabdinaasir Maxamed Buuni, ayaa si adag ugu jawaabay Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo dhawaan dhaliilo u jeediyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Cabdinaasir Buuni oo ka mid ah siyaasiyiinta da’da yar ee dalka, kana soo jeeda gobolka Awdal, ayaa mar uu maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay inaanay Maxamuud Xaashi u banaanayn inuu dhaliilo la xidhiidha musuq-maasuq u jeediyo cid kale maadaama sida uu sheegay lagu tuhunsan yahay inuu yahay masuulkii ugu musuqa badnaa xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo oo uu ka soo noqday Wasiirrada Duulista iyo Madaxtooyada.

Waxa uu siyaasigani ku eedeeyey Maxamuud Xaashi inuu ku-takrifal hanti ummadeed muddadii dhowrka sanno ahayd ee ka tirsanaa xukuumaddii hore ee xisbiga Kulmiye, isagoo ku tilmaamay inuu ka mid yahay shaqsiyaad sifooyin gurracan uga faa’idaystay Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka uu Siyaasi Buuni ugu Jawaabay Maxamuud Xaashi Cabdi.

https://youtu.be/ChNBt4irE1k