Siyaasi Cabdilahi Darawal Oo Eedaymo Culus U Jeediyey Guddi Ganacsato ah oo Ka Hawl-galay Xalka Khilaafka Siyaasadeed ee Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka Horseed ee Somaliland Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal), ayaa ka hadlay Talo ay soo jeediyeen Guddi Ganacsato ah oo isku xilqaamay inay xal u raadiyaan Khilaafka ka taagan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda, taasi oo ahayd in la is-raaciyo labada doorasho.

Guddoomiye Cabdilaahi Darawal oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu si adag u naqdiyey soo-jeedimo ay soo bandhigeen guddiga Ganacsatada ah ee isu-xilqaantay dhex-dhexaadinta Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka, waxaanu ku eedeeyey inay cid gaar ah u adeegayaan.

Guddiga Ganacsatada ah oo shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa Khamiistii, waxa ay sheegeen in baadhitaan kaddib ay u soo baxday in arrimaha khilaafka gun-dhigga u ahi yihiin Arrimo Sharci, sidaas awgeed ay soo jeedinayaan in Goleyaasha Sharci-dejinta lagu wareejiyo xalkeeda. Wxa kale oo guddigu soo jeediyeen in Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada Siyaasadda isku mar la qabto.

Soo-jeedinta Guddiga Ganacsatada ah waxa taageeray Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.

khilaafka doorashooyinka

https://youtu.be/iwZdleKAux8