Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo Farta ku fiiqay Ciida iska leh Masuuliyadda Guul-darrada Xisbiga Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Siyaasi Cabdilaahi Cabdi Cumar (Jawaan) oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland, ayaa naqdiyey natiijada soo baxday loolankii Xisbiyada Mucaaradka, Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisu ugu jireen hanashada shir-guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland.

Salaasadii toddobaadkan, ayaa Golaha Wakiillada cusub ee Somaliland oo fadhigoodii u horeeyey yeeshay, waxa ay shir-guddoonka Golahaas u doorteen saddex xubnood oo ka soo baxay Xisbiyada Mucaaradka, iyadoo codad aan badnayn lagaga guulaystay murashaxiintii ka soo jeeday Xisbiga Kulmiye.

Cabdilaahi Jawaan waxa kale oo uu ka hadlay guul-darradii Xisbiga Kulmiye ka soo gaadhay Doorashadii Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee bishii May ee sannadkan ka qabsoontay dalka, kaddib markii aqlabiyadda mudaneyaasha la doortay ee Goleyaasha Deegaanka wakiillada ay yeesheen labada xisbi Mucaarad.

Siyaasi Cabdilaahi Jawaan oo u warramay telefishanka Bulsho, waxa uu guul-darrada xisbiga Kulmiye ka soo gaadhay doorashooyinkaas dusha u saaray Hoggaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo ah guddoomiyaha Xisbiga, Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga Axmed Cabdi Dheere.

Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalka Waraysi uu Siyaasigu kaga Hadlay arrimahan iyo Qodobbo kale.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net