Siyaasi Cabdilaahi Cukuse oo ka hadlay Qorshaha Xukuumadda ee Loollanka Shir-guddoonka Golaha Wakiillada

Hargeysa (SLpost)- La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Doorashooyinka Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa ka hadlay Go’aanka Maxkamadda Sare maanta ku shaacisay natiijada rasmiga ah ee Doorashada Golaha Wakiillada JSL oo ka kooban 82 xildhibaan oo ka soo kala baxay saddexda Xisbi Qaran.

Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse waxa kale oo uu ka hadlay loollanka xisbiyada Mucaaradka iyo Xukuumaddu ugu jiraan hanashada shir-guddoonka Golaha Wakiillada maadaama ay mucaaradku leeyihiin aqlabiyadda xildhibaannada ku soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliland.

Cabdilaahi Cukuse oo u warramay telefishanka Sahan oo weydiiyey inay xukuumadda Xisbiga Kulmiye qorshaysay sidii dhaqaale loogu kasban lahaa xildhibaannada, ayaa xukuumadda ka fogeeyey inay Dhaqaale ku bixinayso hanashada codadka xildhibaannada xisbiyada mucaaradka.

Advertisement

Dhinaca kale, La-taliye Cabdilaahi Cukuse waxa uu ugu horeyn hambalyo u diray xildhibaannada ku guulaystay inay ku soo baxaan mudaneyaasha Golaha Wakiillada iyo sidoo kale shacbi-weynaha Somaliland oo ka qayb-qaatay doorashooyinka isku-sidkan ee 31 May 2021 ka qabsoomay Dalka.

Maxkamadda Sare ee JSL ayaa maanta ansixisay natiijadii ku-meel-gaadhka ahayd ee Guddiga doorashooyinku hore u shaaciyeen oo ay maxkamaddu ayidday, kaddib markii ay toddobaadkan laashay gebi-ahaanba 20 dacwadood oo ay u gudbiyeen murashiin ka cabanayey natiijada ku-meel-gaadhka ah, kuwaas oo ay Maxkamaddu dhegaysigooda iyo ka-garnaqooda u fadhiisatay saddex kulan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On