Siyaasadda Qaran ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Oo La Gorfeeyey

Hargeysa (SLpost)- Kulan lagu gorfaynayo Siyaasadaha Qaran ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga Somaliland ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa.

Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah ayaa dib-u-eegis lagu sameyn doona qaar ka mid ah hab-raacyadda iyo siyaasadaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, waxaana ka soo qeybgalay Wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr.Sacad Cali Shire,Wasiirka Xidhiidhka goleyaasha Maxamed Xaaji Aaden,Wasiir-xigeenka Ganacsiga Muuse Salaf, Wasiir xigeenka Arrimaha dibedda Cabdinaasir Cumar Jaamac, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda, Wakiilada Somaliland ee caalamka qaarkood, Marwo Edna Adan, khubaro kale iyo shaqaalaha wasaarada Arrimaha dibedda.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha dibedda Siciid Axmed Cabdikariin oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in lagu faaqidi doono dokumentiyo Wasaaradu diyaarisay,si ka qeybgelayaashu fikirkooda ugu kordhiyaan.

Advertisement

Md.Siciid Axmed Cabdikariin ayaa sheegay in Wasaaradu diyaarisay afar dukumeenti oo muhiim ah, kana mid yihiin Siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland (Somaliland Foreign policy), Xeerka shaqaalaha arrimaha dibadda Somaliland (Somaliland Foreign Service Act), Hagaha Safaradaha Dibadda ee Somaliland (Somaliland Foreign Mission Act) iyo Siyaasadda Isgaadhsiinta (Communication Act).

Marwo Edna Adan Ismaaciil oo madasha ka hadashay ayaa sharaxaad ka bixisay kaalinta Wasaaradu ugu jirto Qaranka iyo caqabadaha hortaagan aqoonsiga Somaliland, waxaanay tidhi waxaan u baahan nahay in dhammaan waddamada caalamka aynu dar-dargelino sannadka cusub si aynu u soo xaqiijino xuquuqda caalamka inagaga maqan.

“Waxaynu u baahanay labada boqol (200) ee dal ee adduunka ka jira inaynu gelino dardar dheeraad ah oo xaqii inaga maqnaa oo ah aqoonsiga, sannadkan cusub (2023) ee fooda inagu soo haya,inaynu ku soo dhacsanno, oo xaqiijinaya inay Somaliland tahay dal jira ”. Ayey tidhi Marwo Edna Aaden Ismaaciil.

Wasiirka Maaliyadda iyo iskaashiga Caalamiga Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo shirkaasi ka hadlay ayaa ku dooday in loo baahan yahay diyaarinta qorsheyaal, istraatiijiyad iyo hal-beegyo, sannad walba lagu xisaabtamo.

Dr Sacad ayaa hadalkiisa raaciyey in sababta aqoonsi loo heli waayey iyo dalalka ugu dhow aqoonsigeena jawaabahooda waa inaynu qorshe ka yeelano.

“Waxaynu u baahanay inaynu yeelano qorshe iyo istaraatijiyad, iyo hal-beegyo, sannad walba aynu ku xisaabtami karno halka aynu ka joogno. Labada Su’aalood ee ugu badnaa waxay ahaayeen maxaa laydiin ictiraafi-waayay? Yaad umaleynaysaan inay idin ictiraafayaan?”.Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Maxamed Xaaji Aadam Cilmi oo hadal ka jeediyey in khubaro kala duwan talooyin dhaxalgal ah soo jeediyeen, isla markaana waxuu ku amaanay madaxda Wasaarada Dibedda dedaaladooda.

Safiir Adan Muuse Jibril oo hadal ka jeediyey kulanka ayaa sheegay in wax baddan Somaliland u qabsoomeen la innagu amaano, uguna weyn tahay nabada oo dib-u-heshiisiin ku timi, maadama nabad aan dib-u-heshiisiin ku dhisnayn aanay dunnida sadexaad ka hirgelin.

Wasiir xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda Cabdinaasir Cumar Jaamac oo kulanka furay ayaa sheegay in siyaasada Arrimaha Diebdda marka laga hadlayo tahay shaqo guud iyo siyaasad wadareed, maadama masuuliyada ugu weyn tahay sidii aynu Qaran caalamka ka mid ah u noqon lahayn.

Md. Cabdinaasir ayaa sheegay in muhiimadeena ugu weyn tahay sidii aynu u saxi lahayn khaladkii aynu lixdankii galnay ee sida fudud gacmaheena uuga baxday gobonimadii iyo dawladnimadii aynu haysanay.

Follow us On