“Siyaad Barre ayaan ka cabanaynaye, Boqol Siyaad ku innagu noqday oo kuwo yar-yar oo gaagaaban haysta, ayaa dalkii…”

“Siyaad Barre ayaan ka cabanaynaye, Boqol Siyaad ku innagu noqday oo kuwo yar-yar oo gaagaaban haysta, ayaa dalkii u soo hadhay”

Hargeysa (SLpost)- Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye oo ah Xildhibaanka keliya ee Golaha Wakiillada Somaliland kaga jira gobolka Selel, ayaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Guurtida ku eedeeyey inay wadaan khilaafka Wakiillada ka aloosan, isla markaana sababta ay u wadaan tahay inay nin ka soo jeeda Beeshooda uu ku fadhiisto Kursiga Guddoomiyaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro.

“Siyaad Barre ayaan ka cabanaynaye, Boqol Siyaad ku innagu noqday oo kuwo yar-yar oo gaagaaban haysta, ayaa dalkii…”Xildhibaan Aareeye waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, inkasta oo aanu magacaabin ninka ay Siilaanyo iyo Saleebaan isku beesha yihiin ee ay u wadaan Kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, haddana waxa uu sheegay in sababta rasmiga ahi taas tahay, waxa ku xigaana yahay inaan doorasho la qaban, isla markaana uu muddo-kordhin helo Madaxweynuhu oo uu ku tilmaamay inuu la mid yahay Qalin Khadki ka dhammaaday oo aan waxba qorayn.

HALKAN KA DAAWO