“Siilaanyo waad garanaysaa, ragga ku xeeranna waad garanaysaa, ma nihin raggii ku tagayey hanjabaaddaa” – Xirsi oo u hanjabay mucaaradka

Burco (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa quudhsaday awoodda kasbasho iyo guulo ay Xisbiyada Mucaaradka ah talada dalka kaga riixan karaan Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisa ka dhisan Xisbiga Kulmiye, waxaanu ku dooday inaanay jirin cabsi ay xukuumad ka qabaan tartan Xisbiga Kulmiye la galo Labada xisbi mucaarad ee UCID iyo Waddani.

Maxaa Wasiir Xirsi ka Qabsaday Duullaankii Cabdicasiis Cali Barre iyo Abaartii 1974-kii Ku Dhufatay Gobollada Bariga Somaliland?Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan oo daba-socda hadallo maalmihii u dambeeyey ka soo yeedhayey Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Siyaasiyiinta ku midoobay Madasha Wada-tashiga oo ku baaqay in xukuumadda la kala diro haddii doorashooyinku wakhtigooda dib uga dhacaaan, waxa uu ku gooddiyey wasiirku inaanay cid ku kici karta tallaabo ka dhan ammaanka dalka, xukuumad ahaanna ay talada dalka sii haynayaan ilaa laga gaadhayo wakhtiga Komishanku u cayimo doorashooyinka.

Wasiirka Madaxtooyada oo xalay ka hadlayey munaasibad uu kaga qayb-galay magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer oo uu booqasho ku joogo, waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin tartan doorasho balse ay masuuliyadda qabsoomiddeedu ku xidhan tahay Guddiga doorashooyinka.

HALKAN KA DAAWO