Sidee Gobollada Dalka looga oogay Xuska maalinta Xorriyadda Somaliland ee 26 June?

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Magaalo-madaxdayada gobollada dalka, ayaa si ballaadhan looga oogay xuska munaasibadda maalinta Xorriyadda Somaliland ee 26 June oo ku beegan 61-guurada markii ay Somaliland xorriyadda ka qaadatay maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960-kii.

Magaalooyinka dalka qaarkood ayaa lagu qabtay munaasibado lagu xusay maalinta xornimada Jamhuuriyadda Somaliland oo xalay Xaflad balaadhan oo lagu weynaynayey lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Magaalooyinka Ceerigaabo, Boorama, Burco iyo Laascaanood ayaa maanta lagu qabtay Munaasibado loogu dabaal-degay 26 June, waxaana soo qaban qaabiyey Maamulka heer gobol iyo Degmo ee magaalooyinkaas.

Advertisement

Badhasaabka Gobolka Sanaag iyo Maayirka Degmada Ceerigaabo ayaa ka qaybgalay Xaflad balaadhan oo lagu qabtay caasimada Gobolkaasi.

Sidoo kale Laascaanood ayaa laga xusay maalinta xornimada, waxaana lagu qabtay Xaflad si weyn loo soo agaasimay, taasoo ay ka qaybgaleen madaxda Dawladda iyo Haldoorka Gobolkaasi.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpostnet

Advertisement