Sidee bay Xisbiyada Qaranku Cod Uga Doonayaan Bulshada Ku Dhaqan Gobolada Bariga Somaliland Haddii aanay uga Gurman Abaaraha ka jira? – Warbixin

Xaalada gobolada bariga ayaa laga soo qaylinayaa waxaana dhamaan shuf beelay oo dhamaaday xoolihii ay dadku haysteen yadoo laga cabsi qabo in nafaha dadku wax yeelo soo gaadho oo ay u bakh-bakhtiyaan haraad oon iyo gaajo.

Abaaraha ka taagan gobolada bariga ayaa ka sii xumaanaya halkii uu taagna maalin maalinta ka danbaysa waxaana hada dadkii ka dhamaaday xoolihii oo haraad iyo gaajo u dhintay halka laga cabsi qabo in dadku ku dhamaado macaluul iyo haraad hadaan gurmad degdeg ah la gaadhsiin.

abaaroIlaa hada ma jirto cid dadkaa abaartu ku habsatay caawisay marka laga reebo dadka qurbaha ku dhaqan ee ka soo jeeda gobolada bariga somaliland iyo deegaamada ay abaartu aafayasay oo wax u diray, waxaana aan marqudha ka hadlin madaxda xisbiyada qaranka kulmiye ucid iyo wadani oo indhaha iyo afkaba ka xidhay,waxaa taa ka sii daran xukumada ayaan wax caawimo ah gaadhsiin oo dhagaha ka furaysatay mana jirto cid ilaa hada u maqan dadka ilahay mooyaane.

Sida aad ogtiin somaliland waxay jirtaa 26 sano oo dhowdhow waxaana ku bahoobay oo dhisay qaranka somaliland shacabka ku kala dhaqan gobolada galbeedka iyo bariga waxaana kaliya oo itifaacsada magaca somaliland oo wax ku hela gobolada galbeedka somaliland iyo dadkooda oo haday shaqo tahay iyo haday caawimo kale tahayba ku badhaadhay ilaa iyo markii lagu dhawaaqay somaliland.

Shacabka ku nool gobolada bariga somaliland ayaa somaliland u ah lafdhabar mana ay jirteen hadaanay naf iyo maalba u hureen waxaana ku dhintay oo wali ku nafwaaya maalin walba boqolaal kun oo reer bari ah haday tahay ciidamada qaranka u fadhiya xadka aan la wadaagno somaliya oo u badan bariga somaliland iyo haday tahay difaacida magacan somaliland,yadoo ay waxaas oo dhani jirto ayaan hadana aanay jirin cid hoos u eegta oo daryeesha agoonta dadka duunyada shacabka kale haday abaaro ku dhacaan iyo hadii ay caawimo u baahan yihiinba,ma helaan shacabka somaliland ee barigu waxay xaq u leeyihiin madaxda laga soo doorto bariga somaliland waxay iska dhistaa galbeedka oo hadh iyo habeen u kala gooshaalan.yagoo ka qajila inay la hadlaan dadkooda ku nool bariga waliba waxay aaminsan yihiin in lagu shaanbadaynaayo beelo ahaan haday u tagaan gobolada bariga somaliland.Halka Madaxda laga doorto gableedka ay dadkooda u hadlaan oo sheegaan baahiya haysta.

Hadaba sadexda xisbi ee qaran ee ka dhisan somaliland ,shacabka ku dhaqan gobolada bariga hala xisaabtameen waxaa la gaadhay xiligii loo hiilin laha shacabkaas xaqoodii la duudsiyay,hadii la waayo taas oo ay heli waayaan waxay xaqa u leeyihiin dadkaas dulman ka fursan mayso in loo sameeyo dawlad gaar ah oo ka madaxbanaan gobolada galbeedka si markaa bariga wax ay u qabsadaan madaama loo sinayn waxii lagu heshiiyay oo dhinac qudhi qaatay waxwalba.

 

By Hassan Halyey

hassanhalyey@gmail.com

Burco, Somaliland