“Si gaar ah ayaannu u soo dhawaynaynaa dhigayaga Xulka Gobolka Awdal” Afhayeenka Xulka Gobolka Hawd

 

 

Hargeysa(SLpost)- Xulka gobolka Hawd ayaa balanqaaday inay Hargeysa ku soo dhaweynayaan dhigooda xulka gobolka Awdal oo Hargeysa u imanaya wareegga labaad ee ciyaaraha gobolada Somaliland.

Gobolka Hawd iyo gobolka Awdal ayaa wareegii koowaad ee ciyaaraha qaybta Boorama waxaa dhexmartay ciyaartii furitaanka ee 5-tii bishan, waxaanu gobolka Hawd tirsaday shiid iyo ku orin ka soo gaadhay taageerayaasha Awdal, taasi oo warsaxaafadeed gobolka Hawd wakhtigaasi ku sheegay in Awdal shiid kaga guulaysatay Hawd.

 

Haddaba Afhayeenka Gobolka Hawd garyaqaan Ayaanle Maxamed Cige, ayaa Sheegay Inay Soo Dhawaynayaan Ciyaartoyda Iyo Taagerayaasha Gobolka Awdal, isagoo  hambalyona U Diray Gobolkiisa Iyo Taagerayaashaba.

 

Warsaxaafadeed uu soo saaray Ayaanle, wuxuu ku yidhi sidan “Anigoo ku hadlaaya afka ciyaartoda gobolka hawd ugu horayn waxaan hambalyo u dirayaa tobobarayaasha iyo ciyaartoyda gobolka Hawd sidii hawl karnimada iyo dedaalka la lahayd ee ay uga soo baxeen group kii ugu adkaa ee tartarnkii isreebreebka ciyaaraha gobolada somaliland ee ka qabsoomay gobolka Awdal “

 

Sidoo kale afhayeenku wuxuu cod dheer ku sheegay inay soo dhawaynayaan taagerayaasha iyo ciyaartoyda Gobolka boorama ugana mahad celin doonaan sidii quruxda badnayn ee ay ugu soo dhaweeyeen gobolkaas ‘wuxuuna intaa ku daray “gobol ahaan waxaanu kirayn doonaa gobolada Hawd iyo Awdal laba guri oo isku xiga maadama ay walaalo yihiin, Si gaar ah waannu u soo dhawaynaynaa xulka gobolka Awdal”.

 

Ugu danbayna afhayeenku wuxuu u mahadceliyey taagerayaasha gobolka hawd oo uu sheegay inay yihiin sirta ka danbaysa soo bixitaankooda isla markaana ay gobolka u yihiin laf dhabar,  wuxuuna sheegay inay ka mahad celinayaan sidii balaadhnayd ee loogu soo dhaweeyey caasimada Baligubadle iyo caasimada Hargeisa.

 

 

 

 

 

 

Somalilandpost.net, Office