Shirweynihii 25aad ee Jaamacada Carabta oo ka furmay Kuwait

Kuwait(SLPOST)Waxaa maanta magaalada Kuwait ka furmay shirweynaha 25aad ee Jaamacada Carabta oo sanadkan si weyn isha loogu hayo xal u helida xiisada ka dhex taagan dalalka Khaliijka iyo xaaladaha kale ee ka taagan Masar iyo Siiriya.

ShirweynahaCARABTA2432014

Shirweynahan ayaa kusoo beegmaya xili dalalka Khaliijka qaarkood ay xiriirka u jareen dowlada Qatar oo ay ku eedeeyeen inay taageereyso ururka Ikhwaanu Muslimiinka.

Dowlada Qatar oo iyadu sanadkii hore qabatay shirweynihii Jaamacada Carabta ayaa maanta fursad u helaya inay soo jeediso khudbada ugu horeysa ee furitaanka shirka, iyadoo isha lagu hayo sida ay dowlada Qatar uga hadli doonto xiisada siyaasadeed ee ka taagan Khaliijka.

Dhinaca kale dalka Siiriya ayaan wax xubin ah ka joogin, iyadoo sanadkii hore loo ogolaaday kursiga dalka Siiriya inay ku fariistaan isbaheysiga mucaaridka ee dalkaasi Siiriya, arrintaasi oo ay ka biyo diideen sanadkan qaar kamid ah dalalka Jaamacada Carabta.

Shirweynaha sanadkan ayaa lagu sheegay in diirada lagu saarayo “..Iskaashiga iyo Horumarinta Mustaqbalka Dalalka Carabta…”

Waxaana la filayaa in qodobada looga hadli doono ay kamid noqon doonaan xaalada Falastiin, dagaalka Siiriya, xiisada ka taagan Masar, Khilaafka Khaliijka iyo iskaashiga ganacsiga.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa sanadkan uga qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud, waxaana la filayaa inta uu socdo shirweynaha in ay wafdiga Soomaaliya kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaan hogaamiyayaasha Carabta ee ku sugan dalka Kuwait

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland