Shirweyne lagu Gorfeynayo Heshiiska Somaliland vs Itoobiya Iyo Ammaanka Badda Cas oo Ka Furmay Addis Ababa

Addis Ababa (SLpost)- Shirweyne Caalami ah oo lagu lafo-gurayo Isu-socodka ammaanka Badda Cas iyo muhiimadda uu leeyahay heshiiska is-faham ee Somaliland iyo Ethiopia, ayaa ka furmay magaalada Addis Ababa.

Shirka oo noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Gobolka ee dhaq-dhaqaaqyada Ammaanka Badda Cas, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loo dardargelin lahaa wadahadallada iyo iskaashiga khuseeya marinka ganacsi ee Badda Cas, waxaana soo qaban-qaabiyey Macadk Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee IFA oo xaruntiisu tahay dalka Ethiopia.

Sida aanu ka soo xigannay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA, wejiga labaad ee shirkan oo hal-ku-dheg looga dhigay “Baahida Wada-hadal iyo Iskaashi Laga yeesho isbeddelada Siyaasiga ah ee Caalamka”, waxaana ka qayb-galay khubaro-siyaasadeed oo ka kala socda gobolka Bariga Afrika, Bariga Dhexe iyo sidoo kale dublamaasiyiin caalami ah.

Sida ay qortay ENA, Agaasimaha fulinta ee macadka IFA, Jacfar Bedru oo hadal ka jeediyey madasha, ayaa sheegay in Badda Cas ay qayb ka tahay taariikhda Itoobiya, isla markaana tahay marin ganacsi oo muhiim u ah gobolka iyo caalamka sidaa awgeed ay danaynayaan inay qayb ka noqdaan ilaalinta amnigeeda maadama ay jiraan xaalad amni-darro oo xilligan ka jira.

Jacfar waxa uu shaaca ka qaaday in Itoobiya baadi-goob ugu jirto wadahadal iyo iskaashi kasta oo lagu xaqiijinayo nabad waarta iyo horumar guud oo ka tis-qaada gobolka Badda Cas.

Shirka Golaha Wadatashiga Gobolka ee dhaq-dhaqaaqyada Ammaanka Badda Cas
Shirka Golaha Wadatashiga Gobolka ee dhaq-dhaqaaqyada Ammaanka Badda Cas

“Itoobiya waa dalka ugu weyn gobolka Badda Cas, waxtarka aanu ka geysan kartaana aad bay muhiim ugu tahay inaanu mar kale dib ula soo noqono taariikhdaas”, sidaas ayuu yidhi Jacfar oo soo hadal-qaaday heshiiskii Is-afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia.

Dhanka kale, Agaasimaha fulinta macadka IFA (Institute of Foreign Affairs), waxa uu xaqiijiyay in Itoobiya sii xoojinayso iskaashiga ay la leedahay waddamada ku yaalla Badda Cas iyo hay’adaha la shaqeeya.

Shirkii ugu horreeyey ee Golaha Wadatashiga Amniga Badda Cas, ayaa qabsoomay sannadkii hore xilligaas oo la dareemay saamaynta dagaalada ka socda Bariga Dhexe ku yeeshay isu-socodka Ganacsi ee Badda Cas oo halbowle u ah isku xidhka Bariga iyo Galbeedka Dunida.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net