Shirweynaha labaad ee Xisbiga Waddani oo Hargeysa ka furmay

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa ka furmay shirweynaha labaad ee Xisbiga Waddani oo muddo la maalmood ah ka socon doona Hotel Maansoor ee caasimadda dalka.

Waxa Shirweynaha ka qayb galay ergo tiradoodu ka badan tahay 1000 qof oo ka kala yimid gobollada dalka, dibedda iyo weliba marti sharaf kale.

Kahor furitaanka shirweynaha ayey ergadu halkaas ku daawaadeen muuqaal ka warramaya taariikhdii Xisbiga WAADANI iyo marxaladii uu soo maray.

Guddoomiyaha guddida Qaban-qaabada Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil yare), ayaa ka hadlay furitaanka shirweynaha labaad ee Xisbiga WADDANI, waxaanu ka warramay marxaladihii uu soo maray qaban-qaabada shirweynuhu.

Ismaaciil Aadan Cismaan, waxa uu sheegay in ay muddo 75 maalmood ah ka soo shaqaynayeen sidii uu u qabsoomi lahaa shirweyahan.

Maalinta Berri ayaa la filayaa in shirweynaha lagu doorto hoggaanka Xisbiga Waddani iyo Guddiga Fulinta.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net