Shirweynaha HOODAALE ee Beelweynta SACAD MUUSE oo maanta furmay iyo Nuxurka Khudbadihii laga jeediyey (DAAWO SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madax-dhaqameedka beelaha Galbeedka iyo Woqooyiga Hargeysa oo isugu jira Salaadiin, Boqorro iyo Cuqaal, ayaa maanta si rasmi ah degmada Agabar ee gobolka Gabiley uga furay Shirweynaha HOODAALE ee beeshaas oo loo muddeeyey 18/08/2013 inuu ka qabsoomo deegaankaas.

Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo habeen hore ku dhawaaqay in dib loo dhigay shirkaas, ayaan suurto-galin inuu u baaqdo hadalka Suldaanka, ka dib markii ay dhowr iyo toban Suldaan ay goobtii shirka loo qorsheeyey ka xadireen wakhtigii hore loogu qorsheeyey qabsoomiddiisa oo shalay ahayd.

Madasha shirku ka furmay oo ay isugu yimaaddeen madax-dhaqameedka, wax-garadka iyo aqoonyahanka beeshaas iyo dadweyne tiro-badan, waxa ugu horreyn furitaankiisa ka hadlay Guddoomiyaha guddida Qaban-qaabada Shirka HOODAALE, waxaanu yidhi, “Waxaan halkan uga mahadcelinayaa Salaadiinta, Boqorrada, Cuqaasha, Qurbe joogga iyo dadka Deegaanka Agabbar oo si wanaagsan oo mug leh uga qayb-qaadatay, isuna xil saartay qabsoomidda Shirka, hawsha inta u badanna qabatay. Waxaan salaamayaa Salaadiinta, Cuqaasha, Guddiga iyo Qurbejoogga iyo marti-sharafta qiimaha leh ee goobta ku sugan. Waxaanan leeyahay Shirkii wuu inoo furan yahay. Waxaana si rasmi ah u furi doona Salaadiinta. Anigu haddaan ahay Guddoomiyihii Guddida Qaban-qaabada halkii loo baahnaa waan soo gaadhsiiyey, wixii kale waxa ka sii amba-qaadi doona, ciddii kale ee loo xil-saaro.”

shirka2Waxa kale oo halkaa ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Guddida Qaban-qaabada Shirka Xasan Ismaaciil Bookh, ayaa yidhi, “Waxaanu halkan ku soo dhawaynaynaa shirweynihii Sacad Muuse ee goobtan ay u cayimeen guddidii khilaaf-saarka ee Labeenta Sacad Muuse, Salaadiinta 16-ka ah, Jiif-Caaqillada, Caaqillada iyo wax-garadka Beesha, waxaan u sheegaynaa intooda gudaha joogta iyo inta debedda joogtadaba  in shirkii aanu hawshiisa qaban-qaabada soo haynay, waxaanu ku soo dhawaynaynaa inay Salaadiinta Beesha Sacad Muuse Furaaan Shirkan HOODAALE, iyada oo la taagan yahay madashii ay ku dhawaaqeen in lagu qabto, intaas ayaan u sheegaynaa dadka beesha ee dibadda iyo Gudaha jooga iyo weliba Beelaha kale ee aanu walaalaha nahay ee reer Somaliland oo aanu wanaag iyo deris-wanaag u hayno.”

shirkaSuldaan Axmed Cumar oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi,  “Shirkan HOODAALE ee Beesha Sacad Muuse muddo badan ayay qaban-qaabadiisu soo socotay, aakhirkiina wuxuu ku soo fadhiistay in la qabto maanta oo bishu tahay 18-ka Ogos. Sidaa dardeed, waxaan u sheegeynaa Beesha Sacad Muuse hadday tahay Qurbejoogga, ganacsatada, wax-garadka in shirka Beeshu maanta furan yahay. Ilaahay waxaanu ka baryeynaa in shirka HOODAALE noqdo mid Hoodale iyo bash-bash lagu gaadho oo uu noqdo mid reer danihiisa kaga tashado. Wax siyaasad ah oo ku jiraysaana ma jirto, dhaqanka ayuunbuu ku eekaanayaa. Ujeeddada ugu weynna waxa weeye jiritaanka iyo qaranimada Somaliland in la adkeeyo.”

shirSuldaan Mawliid Cali Ibraahim oo halkaas ka hadlay, ayaa waxa hadalkiisa ka mid ahaa, “Maanta waa maalin aad u qiimo badan, waa maalin taariikhda geli doonto. Waxaan u haystaa maanta ninka goob-joog ka noqda shirka Beesha Sacad Muuse inuu yahay ninka ugu ayaan badan adduunka. Beel-weynta Sacad Muuse oo aan muddo lixdan sanno ah shir qabsan oo maanta (shalay) shirweynaheedii HOODAALE oo maanta ka furmay degmada Agabbar, waa Illaahay Mahaddii, waa wax Illaahay loogu mahadiyo. Shirweynha Hoodaale ee Beelweynta Sacad Muuse waxa uu maanta ku furmay Kheyr, waxa uu ku dhammaan doonaa Kheyr, beesha Sacad Muuse waxa ay kaga tashanaysaa Aayaheeda, cid ugu tashan mayso, Somaliland way ku tashanaysaa, iyaguna aayahooda ayay ka tashanayaan, sidii beelaha Somaliland ay ugu tashadeen Gar-adag, Daallo Iyo Dubur. Beelaha Somaliland waxaan u sheegaynaa, haddii aanu in badan Xadaaradda ku maqnayn, dhaqankiina waanu u soo noqonnay. In badan baanu Somaliland soo dhisayay, maanta reerkiibaanu soo dhisaynaa, dhaqankii iyo siyaasaddiina waanu yar kala saaraynaa. In badanbay isaga kaaya khaldameen dhaqanka iyo siyaasaddu oo malaha xadaaraddaa nagu badatay, maanta laakiin dhaqankiibaanu sibiq-tiraynaa. Ilaahayna waxaanu ka baryeynaa inuu nagu guuleeyo. Cid kasta oo Sacad Muuse ah Shirku waa u furan yahay, shirkuna waa shir dhaqan, cid lagu cudrinayaana ma jirto. Walaaltinimo, is-beer xaadhasho, niyad-wanaag iyo wax wada-qabsi iyo horumar, ayaa halkan lagaga talinayaa.”

wariyeWaxa kale oo madasha ka hadlay Suldaan Ismaaciil Cabdiraxmaan (Baxar), waxaana hadalkiisa ka mid ahaa, “Shirku wuu furan yahay, muddada uu furan yahayna waxa lagaga hadli doonaa danaha beesha Sacad Muuse, “ ayuu yidhi Suldaanku.

Sidoo kale, waxa ka hadlay Suldaan Axmed-Nuur Cabdilaahi oo yidhi, “Shirkan Dhaqan ee HOODAALE oo aanay wax siyaasadi ku jirin dadka ka soo qayb-galay iyo dadweynaha deegaanka Agabar ayaa ugu horreyn salaamayaa. Maanta halkan waxa loo yimi in lagu furo shirkii beesha Sacad Muuse ee qaban-qaabadiisa iyo haloosigiisu muddada soo socotay. Shirkan waxa lagaga tabashanaya danaha Beesha Sacad Muuse, Danta Somaliland, waxa lagaga tashanayaa wax Alla wixii u baahan in laga tashado oo wanaag ah oo ay kow ka tahay nabad-gelyada dalka iyo wax ka wada-qabashadeeda. Dawladda, Beelaha aanu jaarka nahay iyo cid kasta  shirkan lagaga tashan maayo waxaan ahayn Danta reerka, Danta dalka iyo Danta Diinta.”

Sidoo kale,  waxa madasha furitaanka shirka ka hadlay salaadiin ay ka mid yihiin Suldaan Mawliid Cali Ibraahim , Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan Xiis Barre, Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub, Suldaan Axmed Cumar, Boqor Maxamed Geelle Seed, Aqoonyahan iyo Waxgarad, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday muhiimadda shirka iyo in ujeeddada laga arrinsanaayaa, marka laga yimaaddo danta Reerka, ay ku taxaluqdo Danaha iyo maslaxiyadda Guud ee dalka.

 SOMALILANDPOST.NET

contac@somalilandpost.net