Shirweynaha Heer Qaran ee Hirgelinta Qoondada Haweenka Somaliland oo ka Furmay Boorama

Borame (SLpost)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qayb-galay shirweynaha hirgelinta qoondada haweenka oo lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal shalay.

 

Shirkan oo ay wada-jir u soo qabanqaabiyey Wasaaradda Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada & Isku-xidhka Dalladda Haweenka ee Nagaad, waxa Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ku wehelinayey xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, madaxda gobolka iyo madax ka socotay Hay’adaha kala duwan ee qaranka Somaliland iyo saddexda xisbi qaran, iyadoo muddada labada maalmood ah ee uu socon doono (Arbacada iyo Khamiista) lagu gorfaynayo sidii haweenka loogu samayn lahaa kooto gaar ah oo ay ku yeeshaan goleyaasha kala duwan ee qaranka.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa tilmaamay in Xukuumadda ay ka go’an tahay hirgelinta qoondada haweenka, si loo hirgeliyo jawi ay haweenku si furan dhexdooda ugu tartami lahaayeen xilal gaar loogu xidhay.

“Runtii waxa farxad weyn ii ah in aan ka soo qaybgalo madashan lagu xoogaynayo ee lagu xoojinayo sidii kootada dumarka loo sharciyeyn lahaa ee Golaha Baarlamanka Somaliland ee uu horyaallo looga sharciyeyn lahaa ama loo dhaafin lahaa, markaa aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin, waxaanan leenahay shirkan waannu soo dhawaynaynaa, labada xisbi qaran ee mucaaridka ahna waxa aan leeyahay dan qaran ayeynu wada wadnaa haweenkuna waa haweenkeenii ee aynu ka wada hawlgalno sidii aynu ugu ansixin lahayn,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

Maayirka magaalada Boorama Md. Saleebaan Xasan Xaddi oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu rajaynayo in dumarku ay farxad kala noqdon doonaan shirkan lagu qabtay Boorama ee lagaga hadlayo hirgelinta qoondada haweenka laga siinayo golayaasha qaranka Somaliland, waxaannu yidhi; “Dowladkasta iyo waxkasta oo wanaagsan oo la dhisayo Boorama ayaa lala iman jiray, markaa haddii maanta shirkii halkan lala yimid arrintiinu horta way hirgelaysaa.”

Wasiirka Shaqo-gelinta, Qoyska iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Marwo Hinda Jaamac Gaani oo iyaduna furitaankii shirkaas hadal ka jeedisay, ayaa tilmaantay in ujeedada shirkan heer qaran yahay sidii loo taageeri lahaa, loona hirgelin lahaa qoondada haweenka Somaliland.

“Ujeedada aannu shirkan u qabanay waa laba ujeedo oo ah in la taageero go’aankii uu Madaxweynaha Qaranka Somaliland ee kootada iyo sidoo kale in anaga iyo Guddidayada axsaabta qaranka, dowladda dhammaantayo anaga oo iskaashanayna aannu ballanqaad cad halkan ka samayno, iyadoo maanta la taagan yahay xiligii doorashada loo baxayey, waxayna xisbiyadu ogolaadeen in doorashadu dhacdo, markaa waxa aannu doonaynaa in aannu ogaano xisbi walba muxuu haweenka u hayaa? Maxaa ka go’an? Haweenku waa cidda soo saarta Madaxweyne kasta, haddana waxa lagaga tagaa meel dhexe,” ayey tidhi marwo Hinda Gaani.

Waxayna intaas ku dartay; “Anaga oo ka duulayna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee maanta niyadda uu u hayo, dardargelinta, dhiirigelintiisa, is-garab taagiisa iyo ku-dhicidda, markaa anaga oo taas ka duulayna waxa aannu doonaynaa in aannu ogaano (haddii aannu haweenka nahay) cid waliba maxay noo haysaa xisbiyada qarankoow?”

Agaasimaha Fulinta NAGAAD Nafiisa Yuusuf Maxamed, oo iyaduna halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin ballanqaadka la muujiyey ee lagu caddeeyey hirgelinta kootada haweenka, waxayna tidhi; “Aad ayaan ugu faraxsannahay ballanqaadka iyo ka-go’naanshaha (commitment) la muujiyey, iyadoo aannu maanta ka-go’naanshaha la muujiyey aannu ku qirayno in Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wasiirradii ay halkan marayaan oo ay baarlamaankii labada gole (Guurtida iyo Wakiillada) ay halkan marayaan, saddexda xisbi qaran ay marayaan oo ciddii ay ku xidhnayd taageerada haweenku maanta halkan ayey marayaan oo shirkan way wada joogaan.”

 

Md. Mahdi Ibraahim Buubaa oo ka socday Golaha Wakiillada Somaliland oo isna shirkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in iyadoo la iskaashanayo laga wada shaqayn doono sidii sharciga jidanaya qoondada haweenka looga ansixin lahaa labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada, waxaannu yidhi; “Waxa aan maanta rajaynaynaa haddii Ilaahay yidhaahdo in innaga oo gacmaha is wada-haysana aynu labada goleba dhaafin doono sharcigaas oo uu hirgeli doono in kooto loo xidho haween-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo ay kaga qaybqaataan miiska siyaasadda qaranka lagu jarayo inay qayb ka ahaadaan oo ay soo fadhiistaan.”

Marwo Baar Siciid oo ah haweenayda qudha ee ku jirta Golayaasha Baarlamanka (Guurtida iyo Wakiillada) oo iyaduna shirkaas ka hadashay inay aad ugu faraxsantahay shirkan lagu gorfaynayo sidii loo hirgelin lahaa qoondada loogu talogalay in haweenka laga siiyo golayaasha qaranka Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Degaanka marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo iyaguna shirkaas hadallo ka jeediyey, ayaa sheegay in Xukuumaddu diyaar u tahay sidii loo dhaqan-gelin lahaa qoondada haweenka, iyagoo xusay in sharcigaas uu hadda horyaalo Golayaasha Baarlamanka Somaliland, ayna muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo ansixin lahaa si uu u noqdo sharci ansax ah oo lagu dhaqmo.

Waxa kaloo furitaankii shirkaas ka hadlay Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf, waxaannu yidhi; “Xeerka kootaha ee hadda horyaal Baarlamanka waa ballanqaadkii xisbiga KULMIYE ee ahaa marka uu Xukuumadda ku guulaysto in Xukuumadda ka dhalata KULMIYE ay kooto 30% ah u samayso haweenka.”

Shirkan ka furmay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, waxay Xukuumadda Somaliland iyo saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID ku saxeexeen axdi ballanqaad ah oo lagu muujiyey in laga wada shaqeeyo sidii loo hirgelin lahaa qoondada haweenka Somaliland.

DAAWO SAWIRRADA SHIRWEYNAHA QOONDADA HAWEENKA