Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo la soo gebo-gabeeyey iyo Tirada Xubnaha Golaha Dhexe ee lagu Ansixiyey

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo xidhay shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo 4-tii bishan ka furmay magaalada Hargeysa.

Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo maalintiisii saddexaad galay, ayaa ka hor intii aanu madaxweynuhu soo xidhin waxa ay ergooyinku duuduub ku ansixiyeen tirada xubnaha golaha dhexe oo ah 241 (laba boqol iyo Afartan iyo kow) xubnood, iyada oo ay madasha ku sugnaayeen 234 xubnood, halka ay maqane ahaayeen 7-xubnood oo kale.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xidhitaanka shirka hadal ka jeediyey, ayaa hambalyeeyey ergeda ka qaybgashay shirweynaha iyo bahweynta KULMIYE sida ay ugu dhabar-adaygeen muddadii shirku socday.

Mudane Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu baaq odoytinimo ah u diray bahweynta KULMIYE, waxana uu kula dardaarmay inay isu tanaasulaan, xisbinimadana wax kasta ka horraysiiyaan oo ay muhiimadda koowaad siiyaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxan leeyahay dhammaanteen waxa aynu haynaa wax ina wada gaadha ma ahee waxa ina wada gaadhaya magaca iyo karamaada xisbiga uu magaciisu inaga dhexeeyo, markaa dadka intii calafku ku qoraa way ku qornaanaysaa, intii aan ku qornaynina waa inay u aragtaa in walaalkii, walaashii iyo saaxiibkii lagu qoray, waana inaynu isu tanaasulnaa oo isku calool wanaagsanaanaa. Arrinta ugu muhiimsani waa xisbinimadu inay qiimo yeelato.”

Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa bogaadiyey hoggaanka cusub ee ergadu dooratay, waxana uu taageerayaasha xisbiga ku dhiirrigeliyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii uu xisbigu guul uga soo hoyn lahaa doorashooyinka dalka kusoo foolka leh ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, siina laban laabaan xamaasaddii iyo isku-duubnidii lagu yaqaannay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn waxa uu bogaadiyey guddidii qaban-qaabada shirweynaha KULMIYE, Ergada shirka isugu timi, shir-guddoonka shirweynaha, marti-sharaftii shirka kasoo qayb-gashay iyo guud ahaanba bahweynta xisbiga KULMIYE ee kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale hambalyeeyey, taageerana u muujiyey shirarka nabadeed ee kasoo bilaabmay deegaanka Shidan oo katirsan gobolka Sanaag iyo Adhi-caddeeye oo katirsan gobolka Sool, waxana uu odayaasha, waxgaradka, waayeelka iyo cidkasta nabadda dedaal gelisayba ku adkeeyey inay sii wadaan dedaalkooda midhaha manfaca leh soo saaray, isaga oo caddeeyey inay xukuumad ahaan taageero dhinac kasta leh la garab taagan yihiin shirarkaas nabadda lagu xoojinayo.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net