Shirweynaha 4aad ee Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani oo Hargeysa ka Furmay (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Waxa maanta magaalada Hargeysa ka furmay shirweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirka Golaha Dhexe oo ku qabsoomay Hotel Ambassador ee Hargeysa, waxa ka qaybagalay Guddoomiyaha Xisbiga, Guddoomiye ku xgeenada, Murrashixiinta Madaxtooyada ee Xisbiga, madaxda iyo ergooyinka Xisbiga ee gobollada dalka.

Shirka oo si Meeqaam sare ah loo agaasimay, isla markaana ah kii Afraad, waxa ajandayaasha ugu waaweyn ee lagu girfaynayo ka mid ah in murrashaxiinta Xisbiga si sharci ah loogu iclaamiyo iyo doorashada hoggaanka Golaha Dhexe.

Advertisement

Masuuliyiinta madasha shirka ka qaybgalay ayaa khudbado dhaadheer oo ka hadlaya xaaladda dalka Somalilamnd ee xilligan iyo caqabaddaha dhinaca nollosha ku faaqdiday , iyagoo xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo xisbigeeda ku tilmaamay mid aan waxban balanqaadkii ay bulshada u qaaday, sidaa awgeed ay xisbiga WADDANI yihiin badbaadada dalka iyo dalka.

Guddoomiyaha WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa khudbadiisa kaga hadlay siyaasadaha xilligan ku xeeran, waxaanu luuqad adag ugu jawaabay madaxda Somalia.

Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Crro) oo khudbad dheer ka jeediyay Shirka, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka iyo waxa uga qorshaysan haddii ay ku guulaystaan doorashada 13 November 2024.

Murashax Cirro wuxuu ka hadlay siyaasadda hoggaaminta ee xukuumadda Xisbiga KULMIYE iyo qorshaha ay doonayaan innay WADDANI ahaan wax kaga beddelaan, isagoo soo qaatay tusaalayaal iyo tilmaamo wuxuu Cabdiraxmaan Cirro si cad ugu taabtay khudbadiisa meelaha ay Bulshadu sida weyn u tebayaan ee uu doonayo msutaqbalka dhow ay wax ka bedelaan.

Shirka golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, ayaa maalinta berri ah soo xidhmi doona, waxana lagu wadaa in lagu doorto murrashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka ee xisbiga, shirkan ayaa sidoo kale waxa lagu soo bandhigi doonaa barnaamij siyaasadeedka xisbiga.

Follow us On