Shirweynaha 3aad ee Kulan-diimeedka Culimada Ansaaru Sunnah oo Hargeysa ka Furmay

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Kulan-diimeedka 3aad ee Culimada Ansaaru Sunnah, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Kulanka oo Hal-ku-dhiggiisu yahay DIINTU WAA NASTEEDO, ayaa kulmiyey culimada Soomaaliyeed qaarkood oo isaga kala yimi daafaha dunida, waxaanu socon doonaa muddo afar maalmood ah.

Culimada waaweyn ee magaca ku leh Soomaaliyda iyo caalamka ee kulanka ka qayb-galaya waxa ka mid ah Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Cabdirashiid Sheekh Cali Suufi, Sheekh Siciid Raage, Sheekh Almis Yaxye, Sheekh Xuseen Cali Jabuuti, Sheekh Xasan Sheekh Cali Warsame iyo culimo kale oo tiro badan.

Advertisement

Culimada ka qayb-galaysa kulan-diimeedka, ayaa isaga kala yimi Waddamada Maraykanka, Canada, Yurub, Bariga Dhexe, Kenya, Dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia, Jabuuti iyo Meelo kale.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi, Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Maayarka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun iyo Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid, ayaa ka qayb-galay furitaanka kulan-diimeedka Ansaaru Sunnah.

Kulanka oo markii u horeysay ku qabsoomay Hargeysa iyo guud ahaan Somaliland, waxa qabsoomiddiisa iyo marti-gelintiisa si weyn uga shaqeeyey culimo uu ka mid yahay Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun iyo culimada Ansaaru Sunnah ee Somaliland.

Kulan-diimeedkan ayaa muddada uu socdo lagaga hadli doonaa arrimaha diinta Islaamka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa dacwadda Diinta ee Dhulka Soomaalida, sida ku xusan ajandaha kulan-diimeedka Ansaaru Sunnah.

Ansaaru Sunnah ayaa leh hay’ad lagu magacaabo Ansaaru Sunnah Trust oo taageera waxbarashada diiniga ah, ayaa xaruntooda ugu weyni ku taallaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement