Shirkii Shanaad ee Maal-geshiga Kheyraadka Dalalka Bariga Afrika oo ka Furmay Kenya iyo Somaliland oo aan ka Qayb-galin

Nairobi (SLpost)- Shir-sannadeed lagaga hadlo maalgeshiga kheyraadka Bariga qaaradda Afrika oo ay ka qayb-galayaan 15 waddan oo Somaliland ku jirto, ayaa shalay ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo ah kii shanaad ee noociisa ah, ayaa diiradda lagu saarayaa sidii fursado maal-gashi loogu heli lahaa kheyraad aan la daahfurin ee qaaradda Afrika iyada oo la kaashanayo qorsheyaasha dawladaha 15 waddan oo ku yaala xeebaha Bariga Qaaradda laga soo bilaabo dalka Eretariya ilaa Koonfur Afrika.

Eastern-Africa-Oil-GasWaxa shirkan qaban-qaabadiisa Ururka Global Pacific & Partners oo ay ku shuraakoobeen khubaro madax-bannaan oo gacan-weyn ka geysta daraasaynta iyo soo-saarista kheyraadka Ceedhin ee caalamka, kuwaas oo xarumahoodu ku yaala yaalaan magaalooyinka London, Hague iyo Johannesburg oo ku kala yaala dalalka Ingiriiska, Holand iyo Koonfur Afrika.

Ka-qayb-galayaasha Shirkan ayaa isugu jira Madaxda Shirkadaha waaweyn ee Shidaalka, Saraakiil ka socotay Dawladaha, Wasiirro iyo Xubno door firfircoon ka qaata Sahaminta Kheyraadka ku duugan Bariga Qaaradda Afrika oo lagu tiriyo inuu mustaqbalka beddeli doono Suuqa Ganacsiga Saliidda Adduunka oo wakhtigan u xidhan Waddamada Khaliijka.

Shirkan oo loo muddeeyey in la soo gunaanado maalinta Berri ah, waxa kulankii u horreyey ee shalay lagu faaqiday meelaha muhiimadda ugu horreyey ee dhinaca sahaminta la siin doono, waxaana lagu wadaa in kulamada dambe lagu soo qaado fursadaha mustaqbalka iyo kor-u-qaadista fursado maal-geshi oo loo helo kheyraadka ku duugan waddamada Kenya, Somalia/Somaliland, Ethiopia, Comoros, DRC, Seychelles, Tanzania, Madagascar, Burundi, Rwanda, South Africa, Malawi, South Sudan, Zambia iyo Uganda.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo wakhtigan socdaal shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo aanu weydiinnay haddii uu ka qayb-galay shirka shalay ka furmay dalkaas, ayaa noo xaqiijiyey inaanu ka qayb-gelin balse uu hawlo kale u joogo.

Shirkii kan ka horreeyey oo la qabtay sannadkii hore waxa ka qayb-galay dad isugu jiray 350 madax sar-sare oo ka socotay shirkado caalami ah iyo wufuud kala duwan oo ka qayb-qaadatay shirkaas, kuwaas oo ka kala socday 40 waddan oo ku kala yaala lixda Qaaradood ee Adduunka, kuwaas oo kala ahaa; Kenya, Uganda, Moçambique, United Kingdom, Australia, Ethiopia, South Africa, United States of America, Canada, Nigeria, United Arab Emirates, Madagascar, France, Germany, Tanzania, India, Spain, China, Netherlands, Egypt, Hong Kong, Russia, Ireland, Norway, Switzerland, Bahrain, Kuwait, l’Union des Comoros, Democratic Republic of the Congo, Eritrea, Poland, Sudan, Belgium, Brazil, Indonesia and Saudi Arabia.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgeshiga Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo waraysi siiyey telefishanka CNBC ee xaruntiisu tahay dalka Kenya, waxa uu kaga hadlay kheyraadka ku duugan Somaliland iyo fursadaha maal-gashadayaasha Caalamka uga bannaan soo-saarista kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, waxaanu wasiirku sheegay inay si weyn u soo dhawaynayaan cid kasta oo danaynaysa maalgashi iyo ka-faa’idaysiga kheyraadka Saliidda iyo Baatroolka ee dalka ku duugan.

Weftiyo isugu jira Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa hore uga qayb-galay shirar Caalami ah oo lagu lafo-guro maalgeshiga kheyraadka dihin ee qaaradda Afrika, kuwaas oo markii u horreysay  lagu marti-qaaday Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET