Shirkadda Telesom oo Lacago ugu Deeqday Dhismaha Waddooyin Dalka Laga Hirgalinayo

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom, ayaa lacag dhan $46,000 doollar ugu deeqday mashaariicda horumarinta waddooyinka kala duwan ee ka socda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Masuuliyiinta shirkadda ayaa lacagta deeqda ah ku wareejiyey guddiyada gacanta ku haya dhismaha waddooyin kala duwan oo laga hirgalinayo Somaliland bishan June.

Shirkadda Telesom waxa ay $20,000 doollar ugu deeqday dhismaha waddada isku xidhaysa magaalada Boorama iyo degaanka Xeego ee Gobolka Awdal, waxaanay shirkaddu lacagtaas ku wareejisay guddida dhismaha jidkaas.
Agaasimaha Arrimaha Horumarinta Bulshada ee Telesom Md. Cabdiwahaab Maax oo ka hadlay xaflad uu lacagtaas deeqda ku wareejiyey guddida dhismaha waddada Boorama – Xeego oo lagu qabtay xarunta guud ee shirkaddu ku leedahay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal horraantii toddobaadkan, ayaa ka warramay ujeeddada shirkadoodu ka leedahay taakulaynta adeegyada horumarineed ee bulshada Somaliland.

Munaasibadda wareejinta kaalmada Telesom ugu deeqday dhismaha waddadaas waxa ka qaybgalay Wasiirka Waxbarashada Somaliland Md. Cabdilaahi Ibraahim Habbane, Wasiir-ku-xigeenka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo masuuliyiin kale kale.

Guddoomiyaha shirkadda Telesom ee Gobolka Awdal Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo halkaas ka hadlay, ayaa uga mahadnaqay shirkaddooda dhaqaalaha ay ku taageertay dhismaha jidka Boorama – Xeego iyo guud ahaan horumarinta adeegyada bulshada ee dalka oo dhan.

Sidoo kale, shirkadda Telesom ayaa deeq lacageed oo dhan $6,000 doollar ku wareejisay guddida horumarinta degmada 26-ka June ee magaalada Hargeysa. Lacagtaas oo shirkaddu ugu talogashay waddo 2km ah oo laga hirgelinayo woqooyiga caasimadda Somaliland.
Maamulaha Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha ee Telesom Md. Maxamed Cabdi Darbo oo ka hadlay munaasibaddii wareejinta deeqdaas, ayaa sheegay in shirkaddoodu markasta si mug leh uga qayb-qaadato horumarinta arrimaha horumarinta bulshada ee kaabbayaasha dhaqaalaha sida dhismaha wadooyinka, dugsiyada iyo jaamacadaha, cusbitaalladda iyo wax kastoo danta guud ah.

Xaaji Cabdillaahi Baaruud oo ka mid ah guddida horumarinta degmada 26 June, ayaa shirkadda uga mahad-celiyey gacanta ay ka geysato taakulaynta arrimaha bulshada oo uu tilmaamay inay goor kasta kaalinta koowaad ka qaadato.
Dhinaca kale, Agaasimaha Horumarinta Bulshada ee shirkadda Telesom Md. Cabdiwahaab Maax, ayaa lacag dhan $20,000 doolar ku wareejiyey guddida dhismaha waddada isku xidhaysa gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Daadh-madheed, taas oo dhawaan Madaxweynaha Somaliland uu dhagax dhigay.
Mr. Maax waxa uu tafaasiil ka bixiyey kaalinta firfircoon ee shirkadda Telesom had iyo goor ka ciyaarto horumarint kaabbayaasha dhaqaalaha dalka iyo adeegyada bulshada.

Ugaas Xuseen Geelle, Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Cali Fayr Muuse Maxamed Axmed iyo Eng. Cabdishakuur Aw-raal oo ka mid ah guddida dhismaha waddada gobollada Maroodi-jeex, Togdheer iyo Daadh-madheed, ayaa dhammaantood sheegay in Telesom noqotay shirkaddii ugu horreysay ee taageero dhaqaale u fidisa jidkaas, iyagoo shirkadaha kale ee waddaniga ah ku boorriyey inay ku daydaan Telesom.