Shirkadda Telesom oo Dhisme Cusub ku wareejisay Maamulka Jaamacadda Hargeysa

HARGEYSA (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM, ayaa dhisme cusub oo ay u dhistay Jaamacadda Hargeysa si rasmi ah ugu wareejisay maamulka Jaamacaddaas maanta.

Munaasibad loo qabtay xadhig-ka-jarista dhismaha oo Jaamacada lagu qabtay, waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Cabdi X.Gaas, Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda Hargeysa Maxamed Cali Xirsi, Gudoomiye ku-xigeenka Waxbarashada Jaamacada Hargeysa Cabdisalaan Yaasin, Suldaan Axmed Daahir oo ka mid ah Guddida Boodhka Jaamacada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Abiib Axmed Cali iyo Madaxda Waaxaha Iibka, Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom.

TELESOM, JAAMACAAD (2)Gudoomiye Ku-xigeenka Waxbarashada ee Jaamacadda Hargeysa oo ugu horeyn ka halday munaasibadda, ayaa faahfaahin ka bixiyey dhismaha ay shirkaddu ka hirgelisay jaamacadda, waxaanu sheegay in dhismahani isugu jiro qayb Jaamacadda loogu talo-galay oo ay isticmaali doonaan kuliyadda Daraasaadka Sare ee Jaamacadda iyo qayb ay shirkaddu isticmaalayso, isaga oo intaas ku daray inaanay ahayn markii u horeysay ee shirkaddu dhisme ku wareejiso jaamacadda, balse uu jiro dhisme weyn oo hore shirkaddu ugu dhistay jaamacadda.

Suldaan Axmed Daahir oo ka mid ah Guddiga Sare ee Jaamacadda Hargeysa oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa shirkadda uga mahad-naqay taageerada ay Jaamacadda la bar-bar joogto, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Marka hore waxaan salaamaayaa ciddii hawshan soo agaasintay iyo shirkadda Telesom oo qiimo weyn ugu fadhida waddanka oo wax badan gashatay dhinac walba kolka laga eego ay tahay shirkad la wada leeyahay oo horumarka iyo kolba dhinacii wax looga baahdo wax ka qabata, aad baan u salaamayaa madaxdeeda iyo mijaheedaba,” ayuu yidhi Suldaan Axmed Daahir.

Suldaan Axmed Daahir waxa uu sheegay in baahida Jaamacada Hargeysi ay sii kordhayso sannadba sannadka ku xiga, tirada ardayda Jaamacadda dhigataana ay wakhtigan gaadhayso toban Kun, waxaanu soo jeediyey in lala socodo baahida jaamacada.

TELESOM, JAAMACAAD (1)Gudoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda Hargeysa Md. Maxamed Cali Xirsi oo isaguna ka hadlay munaasibadan xadhiga lagaga jaray dhismahan, ayaa yidhi, “Sida aynu la wada soconno Jaamacadda Hargeysa way sii fidaysaa maalinba maalinta ka dambaysa, sanad kastana waxaa ku soo kordha dhismayaal iyo adeegyo cusub. Haddaba qolyaha ka qaybqaata dhismayaasha cusub waxaa ka mid ah shirkadda Telesom oo kow kak ah , hore waxay noogu dhiseen hool 45 mitir ah oo ay u dhiseen kuuliyadda ICT-ga. Hoolkaasi oo ay waliba ku dareen qalabayntiisii oo ay u keeneen dhamaan furniture-kii, koombuutaradii iyo waliba qalab aad loogu baahnaa oo ilaa $20,000 ah rooter-dii oo nooca CISCO loo yaqaano ah. Taasoo ay waliba dhibaato ka qabsatay keenisteeda. Maxaa yeelay Ruuter-daasi waa qalab xaasaasi ah, hase yeeshee marka wadankeena la keenayo su’aalo badan ayaa la iska waydiiyaa kastamada iyo meelaha ay soo marayaan taana iyagaa inaga caawiyey.”

Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, ayaa shirkadda ku bogaadiyey dedaalka iyo taageerada ay Jaamacadda la bar-bar taagan tahay, waxaanu yidhi, “Telesom oo aanu in badan la shaqaynay si fiican bay noola shaqeeyeen. Hoolkan aad baa loogu baahnaa waayo markay ardaydii badatay markii Master Degree program-kii bateen meel qaadda ayaanu u baahanay, kani wax weyn buu taa ka taraya. Horena way noola shaqeeyeen. Telesom siyaalo kale oo badan oo dadbanna wax bay noola qabtaan, waxaanu leenahay waad mahadsan tihiin, wada shaqayntana halkaasaanu ka sii wada wadaynaa.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Md. Abiib Axmed Cali oo iskuna ku hadlay afka xukuumadda waxaanu mahadnaq u soo jeediyey shirkadda Telesom, “Aad baanu ugu mahadnaqaynaa shirkadda Telesom inay ka qayb qaadato anigoo og inay horena uga qayb qaadatay qaybaha ka mid ah jaamacadda ay ka dhistay qaybo ka mid ah dhismayaashooda, kan cusub ee ay imika soo kordhisay ee hoolkaa cusub ee ardayda master-tu ku dhiganayaanna aad baanu ugu mahadnaqaynaa,” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare Abiib Axmed Cali ayaa ugu baaqay shirkaddaha kale ee ganacsiga iyo kuwa shaqsiyaadku leeyihiin in ay gacan ka gaystaaan taakulaynta iyo ka qayb qaadashadda horumarinta Jaamacadaha dalka.

Ugu dambaynta waxaa madashaasi ka hadlay Maamule ku-xigeenka Waaxda Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo, waxaanu sharaxaad ka bixiyey kaalinta shirkadda Telesom ka geysato horumarka dalka. “Shirkadda Telesom waa shirkadda ay wadda leeyihiin dadka reer Somaliland ah waana shirkaddii ugu horaysay ee waxa Saamiga ama share-ka la yidhaahdo dalka ka hanaqaaday laguna faa’iiday. In ku dhow kun iyo todoba boqol oo Somalilander ah ayaana saami ku leh. Iyada oo baahida noocaasi jirto shirkaddu ay faa’iido samayso haddana waxay dhiiri galisaa Jaamacadaha dalka iyo waxbarashadda sida caafimaadka, waddooyinka, waxbarashada, meelaha bulshada waxtarka u leh sida Maxktabadaha iyo dhismayaasha anfaca leh, wax badan ayey ka qayb qaadataa,” ayuu yidhi Mr Darbo.

SOMALILANDPOST.NET