Shirkadda TELESOM oo bulshada u soo bandhigtay Qiimo-dhimis baaxad leh

 

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom Ayaa Daaha ka qaadday  Adeegyadda KAAFIYE oo ah AdeegAy Bulshaddu Si Weyn Baahi Ugu Qabeen.

Munaasibadda Daahfurka Ayaa Ka Qaybsoontey Xarunta Shacabka Ee Shirkadda TELESOM.

Adeegga KAAFIYE Oo Ah Adeeg Qiimo-Dhimis Ballaadhan Loogu Sameeyey Adeegga Ku Hadalka Iyo Dirista Fariimaha Gaagaaban ayaa waxa uu noqday adeeg Bulshadu si weyn u soo dahwaysay,  Adeeggan Ayaana Macmiilka U Sahalaya Inuu Bishan Oo Dhan Ku Hadlo Lacag Dhan $7 oo kali ah.

Maamulaha Suuq-Geynta Ee Shirkadda TELESOM Cabdiraxmaan Aar Ayaa Sharaxaad Ka Bixiyey Adeegga KAAFIYE. Adeegan Oo Qofku Kaga Shuban Karo Adeegga ZAAD, Isagoo Isticmaalaya Qaybta Dollar-Ka *808# Ka Dibna Dooranaya KAAFIYE, Halka Shilling-Ka Somaliland-na uu Kaga Shuban Karo *202#.

Shirkadda Telesom Ayaa Sidoo Kale Soo Bandhigtay Abaal-Marintii Ugu Ballaadhneyd Ee Lagu Abaal-Marinayo Dhallinyaradda Guur-Doonka Ah. Abaal-Marinta Oo Lagu Magacaabay AROOS WACAN.

Maamulaha Suuq-Geynta Ee Shirkadda TELESOM Cabdiraxmaan Aar oo ka hadlayay adeegga KAAFIYE waxa uu yidhi: “Shirkaddu waxa ay Macaamiisheeda ugula dabbaal degaysaa ciidal Adxa adeegga KAAFIYE. Waa adeeg u sahlaya macaamiisha in ay qiime go’an ku hadlaan Bisha oo dhan. Waa hadalka iyo dirista farriimaha dalka gudihiisa. Ku shubo 7 doollar oo Bisha oo dhan ku hadal.”

“Macmiil haddaba si aad ugu shubato garaac *808# ama *202#. Macmiilku waxa uu lacagta kaga shubanayaa adeegga ZAAD Service. Shirkadda TELESOM waxa ka go’an in ay mar walba ilaaliso tayada adeegga ay macaamiisheeda siinayso iyo sidoo kale in ay mar walba horumar iyo is baddal ku samayso adeegtada ay macaamiisheeda u qabanayso. Waxa aannu macaamiishayada ugu Bushaaraynaynaa in ay dhawaan naga fishaan barnaamijyo fara badan oo xiiso leh”, Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Aar.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net