Shirkadda SUPER GROUP oo Abaal-marinno ku maamuusay mudanta Shaqaale-weynahooda ee Sannadkii 2020

 

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Super Group of Companies, ayaa munaasibad ay abaal-marinno ku guddoonsiisay u qabatay Shaqaale-weynaha kala duwan ee ka hawl-gala, iyadoo kuwoodii ugu dedaalka badnaa lagu maamuusay shaqo-wanaag iyo hufnaan ay Muujiyeen sannadkii tagay ee 2020-kii.

Shirkadda Super Group ayaa ka kooban Super Data Technology oo ka mid ah hormoodka shirkadaha iibiya agabka Computerrada iyo Technology-ga oo Qaab online ah lagu dalbado iyo Shirkadda Super Furniture oo lagu iibiyo Agabka xafiisyada iyo Guryaha, kuwaas oo xarumahooda ugu waaweyni ku yaalaan magaalada Hargeysa.

Munaasibadda abaalmarinta ah oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay Maamul Guud ee Super Group, Madax-waaxeedyada iyo Shaqaalaha ka hawl-gala Qaybaha shirkaddu ka kooban tahay iyo marti-sharaf kale oo munaasibadda lagu marti-qaaday.

Guddoomiyaha Shirkadda Super Group, Cali-Keyse Cumar Axmed oo ugu horeyn munaasibadda ka hadlay, ayaa ka warbixiyey wax-qabadyadii u qabsoomay shirkadda sannadkii tagay ee 2020-kii iyo qorsheyaasha wax-qabad ee ay hiigsanayaan sannadkan, isagoo ujeeddada ugu muhiimsan ee ay maamul ahaan ka leeyihiin munaasibadda abaalmarinta ah oo ay sannad walba qabtaan ku tilmaamay mid lagu dhiirrigelinayo shaqaalaha shirkadda.

“Waxaynu caawa (habeen hore) oo taariikhdu tahay 28-kii bisha 1aad 2021, waxa aynu ku qabanaynaa xaflad-sannadeedkii shaqaalaha Super Group taasoo ujeeddadeedu tahay inaynu isku dhiirri-gelinno, ku maamuusno oo ku hambalyeyno dhammaan shaqaaleweynaha shirkadda, gaar ahaan hawl-wadeennada muujiyey dedaalka midho-dhalka ah sannadka 2020-ka, waana dhaqankeennii soo-jireenka ahaa in shirkaddu mudnaanta koowaad siiso shaqaale-weynaha Super Group.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cali-Keyse.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Ka Maamul ahaan mar kasta waxaanu awoodda saaraynaa tayeynta, Dhiirrigelinta iyo Horumarinta Shaqaalaha si loo helo hawl-wadeenno bulshadooda ugu adeega niyad-samaan iyo shaqo-wanaag.

Dedaal kasta oo aynu samayno shirkad ahaan, waxa kaalinta koowaad kaga jira ama laf-dhabar u ah hawl-wadeennada shirkadda, waana sababta aynu sannad kasta u samayno xaflad-farxadeedkeennan oo kale si aynu xusno ulana dabbaal-degno hawl-wadeenadeenna”.

Guddoomiye Cali-Keyse waxa uu mahad-celin u jeediyey Shaqaale-weynaha shirkadda, waxaanu yidhi, “Waxaan uga mahad-celinayaa shaqaale-weynaha shirkadda si wanaagsan ee qof kastaa u muujinayo daacadnimada iyo dedaalka dheeraadka ah ee ku aaddan sidii aynu shirkadda u gaadhsiin lahayn horumar ballaadhan mar kasta.

Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay qaar ka mid ah Maamulka iyo Shaqaalaha qaybaha kala duwan ee Shirkadda Super Group of Companies ka kooban tahay, kuwaas oo sheegay in isku-duubnaanta iyo Kalsoonida ka dhaxaysa maamulka iyo shaqaalaha tahay halbeegga ugu weyn ee horumarka shirkaddu ku dhisan yahay.

Madaxa Hawl-gelinta iyo Maaliyadda ee Shirkadda Super Group Maxamed Sheekh Yuusuf Sugulle oo Munaasibada ka hadlay, ayaa sheegay in shirkaddu shaqaalaheeda u fidiso tabobarro joogto ah oo ay ugu muhiimsan yihiin kuwo lagu qaadanayo casharro ku saabsan raali-gelinta iyo daryeelka macaamiisha.

“Sannadkii 2020 ee ina dhaafay, Shaqaalaha waxaanu siinnay tabobarro badan oo waxyaabaha sida haqab-la’aanta ah loo siiyeyna waxa ka mid ah daryeelka macaamiisha (Customer Care), sida loo maamulo caadiyadda goobta shaqada (Emotional management at the Work Place). Waxa kale oo aanu qaaddanay xidhiidhka shaqaalaha ee gudaha shaqada (Internal Communicaton). Waxa kale oo shaqaalaha qaybo badan oo ka mid ah tabobar lagu siiyey Xirfadda hoggaamineed,” Sidaas waxa yidhi Madaxa Maaliyadda iyo Hawl-gelinta ee shirkadda Super Group.

Guddoomiyaha Shirkadda HASI Constulting, ahna La-taliyaha Shirkadda Super Group Cabdiraxmaan Cali Xirsi oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay inay tahay munaasibadda 7aad ee uu la dabbaal-dego farxadda shaqaale-weynaha shirkadda Super Group oo uu ku tilmaamay shirkad isku darsatay maamul-wanaag iyo shaqaale hawl-kar ah. 

“Waxay ka mid tahay munaasibadaha ugu farxadda badan leh ee aan sannadkii ka qayb-galo, waa munaasibaddii toddobaad ee aan kala qayb-galo shirkadda Super Group. Qofka kaa Maqal (Cash) wanaagsan ma gaadhid, qofka kaa shaqaale wanaagsanna sannad ma gaadhid, Qofka kaa qorshe wanaagsanna waligaa ma gaadhid. Kuwaasina waa waxyaabaha ay haystaan Super Group,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiraxmaan Xirsi.

Waxa uu Cabdiraxmaan Xirsi xusay in shirkaddooda HASI Consulting xilliyada ay bixinayso tabobarrada ama ay soo bandhigayaan muunadda wax-qabadkooda ay tusaale ugu soo qaadataan shirkado Super Group ka mid tahay marka laga hadlayo dhinacyada hufnaanta maamulka iyo Shaqaalaha.

Cabdiraxmaan Xariir Cumar oo ku hadlay magaca Shaqaale-weynaha shirkadda, ayaa maamulka shirkadda ku ammaanay sida ay ugu heellan yihiin dhiirri-gelinta shaqaalaha oo uu sheegay inay udub-dhexaad u tahay halbeegyada hoggaanka u haya horumarka shirkadda, isagoo uga mahad-celiyey tallaabooyin uu sheegay inay maamulka shirkaddu u qaadeen sidii ay juhdi u gelin lahaayeen aqoonta, xirfadda iyo niyad-samaanta shaqaalaha.

Madaxa Suuq-geynta Shirkadda Super Group Xasan Mowliid Gole, ayaa ugu bushaareeyey macaamiisha shirkadda iyo guud ahaanba bulshada Soomaalida in dib-u-habayn lagu sameeyey adeegyada iyo badeecadaha ay shirkaddu bixiso.

“Waxaan ugu bushaareynayaa macaamiishayada degta geyiga Soomaalida iyo Geeska Afrikaba in Super Group of Companies yahay shirkadda kaliya ee bulshada ka haqab-tira qaybaheeda kala duwan, hadday tahay iibinta alaabada guryahay, alaabada xafiisyada, qalabka IT-ga, adeegyada farsamada (Service Solutions) iyo Qaybta online-ka oo dib-u-habayn ballaadhan ku samaynay oo aanu ugu bushaaraynayno macaamiisha in adeegga ay hadda dalbadaan wakhti kooban ku helayaan, iyagoo ka isticmaalaya website aad u fudud. Markaa waxaanu leenahay macaamiisha, ‘Hadda dalbada oo Hadda hela alaabta iyo adeegyada kala duwan ee Super Group of Companies’,” Sidaas ayuu yidhi Xasan Mowliid Gole.

Gebo-gabadii munaasibadda, waxa abaal-marinno kala duwan oo lagu maamuusay lagu guddoonsiiyey shaqaalaha shirkadda ee kartida iyo hufnaanta muujiyey Sannadkii hore ee 2020-kii, kuwaas oo sida maamulku sheegay ay shaqaalaha laftoodu qayb ka ahaayeen xulashadii lagu aqoonsaday hormooodka shaqaale-weynaha Super Group oo ka kooban Super Data Technology iyo Super Furniture.

Daawo Warkan oo Maqal iyo Muuqaal ah

Shirkadda Super Group, ayaa sannad kasta bilowgiisa sidan oo kale u qabata munaasibad kulmisa shaqaale-weynaha shirkadda, iyadoo abaal-marinno dhiirrigelin ah la guddoonsiiyo hawl-wadeennada kartidooda iyo wax-qabadkooda looga markhaati kaco muddadaas sannadka ah. 

 

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net