Shirkadda SOMPOWER oo daah-furtay Mashaariic lagu Casriyeynayo Adeegga Korontada Caasimadda

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda bixisa adeegga Korontada ee SOMPOWER, ayaa daah-furtay barmaamuj lagu yaranayo Khatarta Korantad, kaasoo la doonayo in hab casri ah loo maareeyo hanaanka qaybinta adeegga Korantada.

Sidaasina waxa maamulka sare ee Shirkaddu kaga dhawaaqeen kulan lagu daah-furay mashruucaasi oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa, kaasoo ay ka qaybgaleen Maamulka Shirkadda SOMPOWER, Masuuliyiin ka socday laamaha Dawladda ee ka shaqeeya howlaha Tamarta, madax ka socotay Qasriga Madaxtooyada, Ganacsato iyo khubarro kale.

Maareeyaha guud ee Shirkadda SOMPOWER Cabdilaahi Beershiya oo shirkaasi khudbad ka jeediyey, ayaa sheegay in barmaamujkani ka kooban yahay laba mashruuc oo isku sidkan, kuwaasoo looga gol leeyahay in halista ka dhalata Korantada iyo dabka lagu maareeyo hab casri ah oo mustaqbalka waara.

Advertisement

“Waa mashruuc wakhtigiisa iyo Kharashkiisaba wata. waa mashruuc ay doonayso Shirkadda SOMPOWER inay u babac dhigto si ay u fuliso. mashruucani wuxuu ka kooban yahay laba mashruuc oo isa saaran. wajiga koowaad waxa weeye in aan sidii hore waxba lagu socon ee wax weyn laga bedelo oo aanu dib u habayno nidaamkii hore ee ahaa in nafta uun lagu sasabo ee ahaa in aanay magaaladu dab uun waayin iyo in aan u guurno nidaam casri ah.” Sidaas ayuu yidhi Maareeye Cabdilaahi Beershiya.

Xoghayaha Fulinta Dowlada Hoose ee Magaalada Hargeysa Siciid Nuur Jaamac, ayaa sheegay qurxinta iyo qaabaynta caasimadda Somaliland ee Hargeysa ay hormood ka yihiin shirkadaha iyo ganacsatada dalka, waxaan u mahad-celiyey shirkadda SOMPOWER oo uu ku tilmaamay inay kaalinteeda qaadaneyso maadaama ay daah-furtay mashaariic muhiimad weyn u leh horumarinta caasimadda.

“Mashaariicdan ay maanta daah-furtay shirkadda laydhka ee SOMPOWER dhibaatooyinka fara baddan ee naga haystay laydhka xal wuu u noqon karaa; Laydhka iyo xadhkaha fara badan ee magaalada dul-yaacaya ee bilic-xumada ku hayay iyo khatarta ay bulshada ku hayaan-ba.” Ayuu yidhi Xoghaye.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Tamarta iyo macdanta Somaliland Mukhtaar oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay, “Wax ay shacabka reer Somaliland ay aad ugu baahnaayeen oo la sugayay maanta weeyaan, aad ayaan ugu hambalyaynayaa Shirkadda SOMPOWER. Mashruucani waa mid ay aad ugu baahnayd Caasimada Hargeysi”, ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

Masuuliyiin ka socday Komishanka Tamarta, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex, xubno ku hadlayey afka Boodhka sare ee Shirkadda SOMPOWER iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Madaxtooyada oo halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin mashaariicda maanta la daah-furay oo ay soo dhaweeyeen hirgelintiisa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement