Shirkadda Somcable Oo Abaalmarino Guddoonsiisay Shaqaalihii Ugu mudnaa Sannadkii tagay

 

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Maalgashiga, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqo gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay munaasibad shirkadda Somcable ay shaqaaleheedii ugu wanaagsanaa sannadkii tegey ee 2020 ku guddoonsiinaysay abaalmarino.

Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub oo ah madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkaddaas iyo Xasan Colhaye oo kamid ah masuuliyiinta xafiiska shaqaalaha ayaa si wada jir ah uga hadlay doorka ay shaqaaluhu kaga jiraan horumarka shaqaalaha iyo sida ay shirkaddu u abaal marinayso shaqaaleheedii muujiyey shaqo wanaaga sannadkii tegay ee 2020-kii,waxaanay tilmaameen in shaqaaluhu yihiin hantida shirkaddan, isla markaana ay shaqaalahan ay abaal marinayaan kusoo xusheen hab dhaqankooda dhinaca macaamiisha iyo feejignaantooda iyo u heelanaantooda ay u hayaan shaqada.

Waxa ay maamulka shirkadda Somcable sheegeen, uguna bushaareeyeen shaqaalaha shirkaddaasi in ay siin doonaan waxbarasho bilaash ah oo ay jaamacaddaha dalka ku qaadan doonaan.

Waxa iyaguna munaasibadaasi ka hadlay Ibraahim Tahar oo ka socday GTS iyo Luul Xasan Mataan oo ku hambalyeeyey shirkadda Somcable abaal marinta shaqaalahooda.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan oo halkaas ka hadlay ayaa isna ku amaanay kaalinta shirkadda Somcable ay kaga jirto shaqo carbinta iyo shaqo abuurka dalka.

Wasiirka wasaaradda Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Maxamuud (Cawed) oo isna goobtaas ka hadlay ayaa ku hambalyeeyey shirkadda Somcable abaalmarinta ay shaqaalihii ugu wanaagsanaa sannadkii dhammaaday ee 2020 ay siiyeen,isaga oo ku dhiirigeliyey in ay halkaas kasii wadaan.

Ugu dambayna waxa goobtaas shahaadooyin iyo abaalmarin lagu guddoonsiiyey 36 qof oo kamid ah shaqaalaha shirkadda Somcable oo ka kala socday goboladda dalka Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net