Shirkadda Sahal Travel & Logistics oo Nidaam Casri ah u Fulinaysa Adeegyada ay Bulshada u hayso iyo Waxyaabaha ku Cusub

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Socdaalka Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland ee Sahal Travel and Logitics, ayaa Adeegyadeeda Dhinaca Isgaadhsiineed ee Casriga ah ku soo bandhigay Carwada Tignoolajiyadda Somaliland oo Maanta laga furay Hotel Maansoor ee Hargeysa oo uu laba maalmood ka soconayo.

Sahal Travel and Logistics oo noqotay shirkadda kali ah ee Shirkadaha Socdaalka ee carwada ka qayb-gashay isla markaana adeegyadeeda ku soo bandhigtay carwada shirweynaha Teknoolajiyadda Somaliland, waxa ay soo bandhigtay adeegyo casri ah oo aan hore uga jirin dalka kuwaas oo loo adeegsan doono isu-socodka ee Dadka iyo Alaabaha ee gobollada isla markaana la jaan-qaadaya oo ku shaqaynaya farsamada casriga ah teknoolajiyada dunida.

Madaxa Suuq-geynta iyo Xidhiidhka Bulshada ee shirkadda Sahal Travel and Logistics, Cabdiqani Nuur Maxamed oo madasha Carwada kula hadlay warbaahinta, ayaa sharraxaad ka bixiyey qaab casri ah oo ay bulshada ugu fulinayaan adeegyadii ay hore u bixin jireen, kuwaas oo uu sheegay inay noqonayaa qaar ay dheer yihiin ama kaga duwan yihiin shirkadaha kale ee dhiggooda ah.

“Annagu (Sahal Travel and Logistics), waanu ka duwanahay shirkadaha halkan isugu yimi ee isgaadhsiinta oo waxaanu nahay shirkad socdaal, laakiin waxa lays weydiinayaa SAHAL halkee ayay ka soo galaysaa Shirkan ku saabsan Teknoolajiyada,” Sidaas ayuu yidhi Mr Cabdiqani.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “SAHAL ahaan waxaanu halkan kaga faa’idaysanaynaa inaanu soo bandhigno hab cusub oo teknoolajiga la jaan-qaadaya oo lagaga maarmayo sidii qadiimiga ahayd ee Alaabaha loo qaadayey. Iyadoo hore lanooga bartay socdaalka gaadiidka ee Taxi-ga ama baska, waxaanu soo kordhigay adeegyada Logistics-ka (Qaadista iyo dhowrista Alaabaha) oo imika u shaqeeya qaab la jaan-qaadaya teknoolajiga.”

Madaxa Suuq-geynta ee Shirkadda Sahal Transport, waxa uu sharraxaad ka bixiyey Qodobbada gun-dhigga u ah ee casriyeynta adeeggooda, waxaanu shacabka Somaliland ugu bushaareeyey in tallaabadani suurta-galinayso inay si deg-deg ah ku helaan alaabahooda.

“Alaab-dirista (Logistics) saddex siyaabood ayaa ugu muhiim. Ugu horeyn Dhowrista ama Badbaadada alaabta (Safety), in alaabta xilligeedii lagu geeyo meesheedii (Time of Delivery) iyo inuu yeesho Ka-war hayn ama la-socosho (Communication or Tracking),” sidaas ayuu yidhi Mr Cabdiqani.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda Sahal Transport and Logistics oo la aasaasay badhtamihii sannadkii 2015-kii ay xafiisyo ka furatay magaalooyinka waaweyn ee dalka, ayaa wax badan ka beddeshay nidaamka isu-socodka ee gobollada dalka, waxaanay shirkaddu dalka keentay gaadiid cusub iyo adeegyo hufan oo ay ku kasbatay kalsoonida Shacabka Isaga kala goosha gobollada iyo degmooyinka Somaliland.

 

Muuqaalkan Hoose ka Daawo Warbixin laga diyaariyey adeegyada ay soo kordhisay Sahal Travel and Logistics

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net