Shirkadda Roob-Roon Oo Soo Bandhigtay Maalgeshiga Saamiyada Beeraha

Hargeysa (SLpost) – Shirkadda Roob-roon oo Munaasibad Ballaadhan ku qabatay Magaalada Hargeysa, ayaa soo bandhigtay maalgeshiga Saamiyada Beeraha ee Shirkaddaas.

Munaasibadda Shirkadda Roob-roon ku soo bandhigtay Iibka Saamiyada Beeraha, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha, Maalgeshiga, Xildhibaano iyo Marti-sharaf kale.

Ugu horrayn, waxa munaasibadda ka hadlay Guddoomiyaha Shirkadda ROOB-ROON Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo

Guddoomiyaha ayaa faahfaahiyey Saamiyada Maalgelinta Beeraha ee ay bixinayso Shirkaddu, waxaanu tilmaamay in Habkani uu horseedi karo horumar Somaliland ka gaadho wax-soo-saarka Beeraha.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Eng Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa madasha ka sheegay natiijada cilmi-baadhis lagu sameeyey Somaliland, taas oo lagu ogaaday in boqolkiiba 80 dhulka Somaliland yahay mid dihin oo wax-soo-saarka beeraha ku wanaagsan.

Munaasibadda lagu Daah-furay Iibka saamiyada Beeraha ee Shirkadda Roob-roon, ayaa waxa kale oo ka hadlay Xubno ka mid ah dadka daneeya Beeraha, kuwaasi oo uu ka mid yahay Subeer Maxamed Xasan.

Gebogabadiina waxa hadalka iskaga dambeeyay Wasiirrada Wasaaradaha Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Maalgeshiga Dhego-weyne, waxayna soo dhaweeyeen Fikirkan ay la timid Shirkadda ROOB-ROON.

Roob-roon oo illaa hadda ah Shirkadda keliya ee nooceeda ah ee Somaliland ka jirta, ayaa gacan ka geysan karta Horumarinta Wax soo saarka Beeraha Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net