Shirkadda Korontada ee SOMPOWER oo Golaha Guurtida looga yeedhay

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Maamulka Shirkadda Korontada ee SOMPOWER ayaa hortagay Guddida joogtada ah ee Golaha guurtida Somaliland oo looga yeedhay, waxaanay kulan ku yeesheen dhismaha aqalka Golahaas gelinkii hore ee maanta.

Kulanka dhexmaray Sompower iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo warbaahintu dibad-joog ka ahayd, waxa markii uu soo dhammaday saxaafadda la hadlay Eng. Maxamed Ibraahin oo ka tirsan maamulka shirkadda Sompower.

Advertisement

Eng Maxamed Waxa uu sheegay inay wada shaqeyn wanaagsan leeyihiin wakaaladda biyaha ee Hargeysa, wada-shaqayntaas oo la xidhiidha hawlaha biyaha-gelinta iyo korontada, gaar ahaan masaafadda ay isku jiri karaan meelaha beebabku marayaan iyo kaybalada laydhku, iyada oo laga taxadarayo khatar kasta oo ka iman karta isu dhawaanshaha biyaha iyo laydhka.

Sidoo kale, maareeyaha shirkadda Laydhka ee Sompower Cabdilaahi Maxamuud Ibraahin (Cabdilaahi Beershiya) oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay intii ay socotay biyo ballaadhinta caasimaddu in ay kala shaqeynayeen wakaaladda biyaha ee Hargeysa, isaga oo xusay in aanu jirin wax khilaaf ah oo dhexmaray iyaga iyo wakaaladda biyaha ee caasimadda, wuxuuna intaas ku daray in marka ay dhigayaan kaybalada ay adeegsadaan habraacyada iyo hagayaasha badqabka korontada oo ay soo saartay wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland.

Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir, oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in sannadihii u dambeeyey ay diyaarinayeen sidii ay u xalin lahaayeen caqabado ka horyimid biyo ballaadhinta caasimada Hargeysa, wuxuuna xusay in ay qaarkood wax ka qabteen oo ay xaliyeen yeedhitaankooduna uu daba socday hawlaha biyo-balladhinta ah, isla markaana uu yahay waajib saaran wixii bulshada caqabad ku ah inay ka hawl galaan.

Advertisement