Shirkadda IHSAAN Auditing & Consulting oo Xafiis Cusub ka furatay Magaalada Muqdisho

 

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda La-talinta iyo Baadhitaanka xisaabaadka ee Ihsan Auditing And Consulting Firm, ayaa Xafiis Cusub Ka Furatay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Munaasibad loo sameeyey furitaanka xafiiska cusub ee Shirkadu ku yeelanayso magaalada Muqdisho, waxa goob-joog ka ahaa oo ka qaybgalay guddoomiyaha guud ee shirkadda Cabdirasaaq Sheekh Cali Askar iyo masuuliyiinta xafiiska shirkadda u qaabilsan.

Ugu horay waxaa muhiimadda xafiiskani uu leeyahay, kuna soo kordhinayo ganacsatada, shirkadaha caalamiga ah iyo hay’adahaba sharraxay Madaxa xafiiska magaalada Muqdisho ee Ihsan Auditing And Consulting Mr Abuukar.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha shirkadda Ihsan cabdirasaaq Askar oo ka warbixiyay inta meelood ee shirkadu xafiisyo ku leedahay, iyagoo dhawaan magaalada Baydhabo ka furay xafiis ay shirkadu ku yeelanayso.

Warkan oo faahfaahsan kaga bogo Muuqaalka Hoose