Shirkadda Facebook Oo Somaliland Keentay Xadhkaha Internetka ee Fiber Optic

Wasiirka Isgaadhsiinta, Tiknoolajiyadda iyo Boosaha ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Techology-ga ee Somaliland Oo maanta hortagay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa sheegay in shirkadda Facebook ay Somaliland keenayso Khadka Internetka xawaarihiisu sarrreeyo ee Fiber Optic.

Wasiir Cabdiwali ayaa sheegay in ay xukuumadda iyo sadex shirkadood ee isgaadhsiintu ay ku heshiiyeen shirkad ka shaqayn doonta kaabayaasha xadhkaha Internet-ka iyo gudbintooda, taasina ay keentay in xadhko badan oo caalami ah ay ku soo hirtaan inay keenaa xadhko xambaara internet-ka.

Wasiirku wuxuu sheegay in cid kasta oo reer Somaliland ah oo awooda ay keeni karto xadhiga xambaara internet-ka, loona siman yahay