Shirkadda Ethiopian Airline Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Inay Soo Cago Dhigato Hargeysa + Koox Amniga Hubisa Oo La Sheegay Inay Soo Dirayaan

Hargeysa(SLpost)-Shirkadda Ethiopian Airline Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Inay Soo Cago Dhigato Hargeysa + Koox Amniga Hubisa Oo La Sheegay Inay Soo Dirayaan Masuuliyiinta Diyaaradda Itobiya Airline ayaa Shuruudo adag dul dhigay imaanshiyahooda Madaarka Diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal ee Magaalada Hargeysa,iyagoo daaha ka rogay in haddii ay shuruudahaasi ka waayaan Madaarka Cigaal ay joojin doonaa Guud ahaan Duulimaadkooda ay ku imaanayeen Somaliland,waxaana la sheegay inay Arintani daba socoto Qarax dhawaan lala beegsaday Diyaarad ay leedahay shirkada Daalo Airline oo ka duushay Magaalada Muqdisho,oo uu Hanaanka Qaraxaasi loo maamulay oo shaki weyn ka dhex abuurmay guud ahaan duulimaadyada Iyo Madaaradda Geeska Afrika.

ethiopain

Illo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska foore ka helay arintan ayaa tibaaxay in Shirkada Itoobiyaan Airline ay u soo bandhigtay Xukuumadda Somaliland inay qiimayn ku samaynayaan hanaanka Amni ee uu ku sugan yahay Madaarka Cigaal islamarkaana ay qiimayntaasi wixii ka soo baxa ay ku go’aan qaadanayaan. Wararkan ayaa intaa ku daray in Shirkada Itoobiyaan Airline ay dalabkeedan ku dartay inay Garoonka Cigaal keenayso Khubaro heer Caalami ah oo Arimaha Amniga ku takhasusay,kuwaasi oo la sheegay inay u adeegsanayso Qiimayntan ay doonayso inay wax ogaato hanaanka iyo Qalabka dhinaca Amaanka lagu baadho ee ay isticmaalaan Shaqaalaha Garoonka Cigaal ee Hargeysa. Illo-wareedkani laguma sheegin in hawlgalkani bilaamay iyo inkale iyo In sifiican la iskula afgartay toona balse waxa ka socda Garoomadda Diyaaradaha Somaliland Xaalado wax lagaga badelayo Nidaamka Amniga loo sugo kadib Qaraxii Diyaaraddii Daallo ee Muqdisho.

Warar kale oo wargeyska Foore soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyay in maalmihii u dambeeyay Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal laga waday dhaq dhaqaaqyo lagu kala saarayo shaqaalaha ka hawlgala islamarkaana halkaasi la geeyay qaar ka mid ah hay’addaha Amniga Somaliland,gaar ahaan laamaha dambi baadhista si ay faro uga qaadaan Shaqaalaha Ka hawlgala Garoonka si loo kaydiyo farahooda,islamarkaana loo hayo oo loo keydiyo qof kasta farihiisa. Arintani ayaa sida la sheegay dabada ku hayso Dalabkan ay Shirkada Itoobiyaanku soo gudbisay ee ah inay baadhis ku samaynayso qaabka uu u shaqeeyo Amni dhawrista Madaarka Cigaal,waana qodobada ugu mihiimsan dhinaca Sugida Amiga in lahayo Faraha Shaqaalaha Goobta oo haddii farahooda la hayo ay fududaanayso in si dhib yar loo ogaado fal dambiyeed kasta oo ka dhaca cida fudaysay iyo cidda fulisay toona.

Masuuliyiinta Madaarka oo aanu iskuu daynay inaanu wax ka waydiino arintani ayaanay noo suurta galin kadib markii ay naga qaban waayeen Telefankooda Gacanta.