Shirkadda Dahabshiil oo Ka Jawaabay Baaqii Madaxweynaha Somaliland

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Dahabshiil Group faraceeda ‘Dahabshiil Oil” ayaa ku dhawaaqday inay dalka keentay Shidaal qiimo jaban lagu iibinayo.

War-saxaafadeed ay Shirkaddu Maanta soo saartay, ayaa lagu sheegay in shirkadda oo ka jawaabaysa Baaqii madaxweynaha Somaliland todobaadkii hore ku sheegay in keenista shidaal qiimo jaban u furan tahay cid-kasta si loo xakameeyo sicir-bararka ka jira dalka.

Warka ka soo baxay shirkadda Dahabshiil, ayaa u qornaa sidan:- “Shirkadda Dahabshiil Group faraceeda ‘Dahabshiil Oil” oo tix-gelinaysa duruufaha kala gedisan ee dalka ka jira, waxa ay ugu bushaaraynaysaa bulshada Somaliland in Shirkaddu keentay Shidaal qiimihiisu jaban yahay, taasi oo aannu rajaynayno in ay wax weyn ka tari doonto xaaladda dalka ee sicir-bararka wakhtigan jira.

Advertisement

Sidoo kale, iyadoo aynu ogsoonahay in qiimo korodh ku yimid qiimaha shidaalka Caalamka, shirkaddu iyadoo ka jawaabaysa baaqii Madaxweynaha Jamahuuriyadda Somaliland, tudhaale ay ka qabto dadkeeda awgeed waxa ay go’aansatay in ay baaqaasi ka jawaabto dadkeedana u raadiso shidaal jaban oo munaasib ku ah duruufaha bulshadeeda.

Sidoo kale, waxa aannu ugu baaqaynaa Ganacsatada Shidaalka iyo Kaalmaha Shidaalka iibiya in bulshada ka jebiyaan qiimaha shidaalka, iyagoo tix-gelinaya duruufaha wakhtigan dalka ka jira ee Sicir-bararka iyo Abaaraha.

Sidoo kale, Xukuumadda waxa aannu ka codsanaynaa in ay cashuurta ka dhinto shidaalka dalka imanaya.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay shirkadda Dahabshiil.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement