Shirkadda Caymiska ee TAKAFUL oo Sannad-guuradeeda 5aad ugu dabbaal-degtay munaasibad kulmisay Haldoorka Somaliland iyo Weedhihii Madasha laga jeediyey

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Caymiska Islaamiga ah ee Takaful, ayaa Magaalada Hargeysa ku qabatay munaasibad ay ugu dabaal-degayso sanad-guuradii 5aad ee ka soo wareegtay Aasaaskii Shirkadda, waxaana Xafladaasi ka qaybgalay, Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday Dawladda, Xisbiyada Mucaaridka, Shirkaddaha Ganacsiga iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

TAKAFUL 2019 (12)

Xafladan oo ah mid sannadle ah oo ay Shirkaddu ku soo bandhigto horumarka iyo adeegyada cusub ee ay Bulshada u soo kordhiso, ayaa waxa ugu horayn ka hadlay Maareeyaha guud ee Shirkadda Takaful Cumar Xuseen Cumar-xaashi, kaasoo faahfaahin ka bixiyey ujeeddooyinkii loo aasaasay  Shirkadda iyo adeegyada ay bixiso, waxaanu tilmaamay inay tahay shirkaddii ugu horaysay ee Somaliland laga aasaasay ee bixisa Adeegyada Caymiska Islaamiga ah oo isugu jira Caymiska Caafimaadka, Ganacsiga, Gaadiidka iyo Dhismaha.

 

Waxa uu sheegay in Yoolka Shirkadda Takaful ay tahay inay noqoto Shirkadda bixisa Adeegga Caymiska ku salaysan Shareecada Diinta Islaamka ee ee Geeska Afrika

 

“ Shirkadda Takaful waxa la aasaasay sanadkii 2008-dii, waxa la hir-geliyey 2013-kii, Shaqadana waxaanu bilownay 2014, muddo shan sanno ah ayaanu iminka shaqadan wadnay, aasaaska Seeska iyo bud-dhiga waxaan uga mahad-naqayaa Siyaasi Sh. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan” ayuu yidhi Cumar Xuseen O. Xaashi.

TAKAFUL 2019 (4)

“Takaful waa Shirkad Caymis ah Bariga iyo badhtamaha Afrika, waa Shirkadii ugu horaysay ee Caymiska Islaamiga ah ee Xalaashaa ee laga furo Somaliland, iyadoo Caasimadii labaad ee laga furay ay tahay Hargeysa oo ay inaga horaysay Nairobi,” ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyey, “ Yoolka ugu weyn ee ay Shirkaddu leedahay wuxuu inay noqoto shirkada qudha ee bixisa Adeegga Caymiska Xalaalsha ah ee Qaarada Afrika” ayuu tilmaamay isagoo geesta kalena sharaxaad ka bixiyey adeegyada Caymiska ay ku samayso Shirkaddu oo ay kamid yihiin Caafimaadka Dadka, Ganacsiga, Gaadiidka iyo Dhismaha.

TAKAFUL 2019 (26)

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa Shirkadda Takaful ku bogaadiyey howsha culus ee ay Qaranka u hayaan, isagoo ku amaanay kaalinta muhiimka ah ee ay buuxiyeen, “Shirkadda Takaful iyo Shaqaalaheedaba waxaan ku bogaadinaya shaqada culus ee ay Qaranka u hayaan, waxaanan ugu ducaynayaa in illaahay ku guuleeyo yoolka ay higsanayaan,” ayuu yidhi Wasiir Abokor.

TAKAFUL 2019 (25)

Wasiirka Boosaha, Isgaadhsiinta iyo horumarinta Tiknoolajiyada Cabdiwali Sheikh Suufi oo isna Xaflada ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimada uu leeyahay Adeegga Caymiska “si guud marka looga hadlo Caymisku waa Ganacsi ku dhisan adeeg la bixiyo, Ganacsi ku dhisan adeeg in uu hir-galaana waa howl adag, sidaas darteed Shirkadda Takaful  waxaan ku hambalyeynayaa inay sanad-guuradii 5-aad u dabaal-degayso” ayuu yidhi Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland oo dhinaca Bulshada ugu baaqay in la is-garab taago Shirkaddan.

 

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Xaflada hadal ka jeediyey ayaa isna dhankiisa tilmaamay in markii la aasaasay Shirkadda Takaful si weyn loogu reeyey, isla markaana uu ku faraxsanyahay in Shirkaddii uu aasaaskeeda xogogaalka u ahaa iyadoo najaxday uu kala qayb-galo xuska sanad-guuradeeda.

TAKAFUL 2019 (22)

“Waxa Illaahay Mahadii ah in Culimadiina soo dhaweysay oo adeeggan Caymiska Xalaalsha ah, waanan ku hambalyeynayaa dedaalka ay sameeyeen Shirkadda Takaful,” Sidaas ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.

TAKAFUL 2019 (31)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, ayaa munaasibadaasi ka sheegay  in wax loo riyaaqo ay tahay  Adeegyada Caymiska ee Shirkaddu bixiso, gaar ahaan Caymiska Caafimaadka oo uu u soo jeediyey Maamulka Shirkadda in lagu daro Dadka waaweyn ee ay da’doodu ka sarayso 70 jirka.

TAKAFUL 2019 (8)

Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdilaahi oo munaasibada isna ka hadlay ayaa sheegay, “Shirkadda Takaful xil culusbaa saaran, maalintii la furayey dad badani way la yaabanaayeen, laakiinse intii aqoonta u lahayd Caymisku way soo dhaweeyeen, waayo markii la arkay Caymiska ay bixinayso oo islaami ah iyo madaxda Shirkadda hogaaminayso oo ah dad aqoonyahan ah waa la ogaa inaanay wax khalad ah gelaynin oo uu adeeggoodu sax yahay”ayuu yidhi Suldaan Xasan.

TAKAFUL 2019 (9)

Sh. Maxamed Cumar Dirir oo kamid ahaa culimada Munaasibada ka qayb-gashay isla markaana shirkaddu kala kaashato dhinaca shareecada Islaamka oo isna halkaa hadlay ayaa sheegay inay Diinta Islaamku soo dhaweynayso wax kasta oo ka qayb-qaadanaya Umadda horumarkeeda iyo Maslaxadeeda, kana hor imanayn Shareecada, waxaanu sheikhu ku amaanay Dhalinyarada Shirkaddan hogaaminaysa, “Wixii Umadda Horumarkooda iyo Iskaashigooda ka qayb-qaadanaya Islaamkuna wuu jideeyey wax aad iyo aad loogu farxana weeye,” ayuu yidhi Sheekh Dirir.

TAKAFUL 2019 (23)

Eng. Axmed Cabdi Abyan oo kamida hoggaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa isna tilmaamay muhiimada uu Caymisku u leeyahay bulshada, marka la joogo Caalamka, Shirkadda Takafulna ay ka soo baxday adeeg miisaan leh, waxaanu yidhi “Caalamka marka la joogo Ciidanka Boolisku marka ay gaadhi joojiyaan waxay ku waydiinayaan saddex arrimood, Liisanka, Diwaanka Gaadhiga iyo Kaadhka Caymiska, inaga (Somaliland), Boolisku laba way ina waydiiyaan oo Buugga Gaadhiga iyo Liisanka way ina waydiiyaan, laakiinse shayga saddexaad inama waydiiyaan, markaa Wasiirka gaadiidka waxaan u soo jeedinayaa in arrintaas Caymiska lagu daro Shuruucda waddo-marista”.

TAKAFUL 2019 (20)

Wasiirkii hore ee Maaliyada  Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyey adeegyada Caymiska ee Shirkadda, waxaanu xafladaasi kaga mid noqday masuuliyiin tiro badan oo intii ay munaasibadu socotay isu diwaan-geliyey inay kamid noqdaan dadka ku jira Caymiska Shirkadda Takaful.

TAKAFUL 2019 (29)

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Marwo Hinda Xirsi Gaani oo kamid ahayd madaxda xaflada ka hadlay, ayaa bulshada qaybaheeda kala duwan, siiba Haweenka iyo dadka kale ee nugul u jeedisay inay qaataan Kaadhka Caymiska ee Shirkadda si ay Xaaladaha Caafimaadka uga saacido.

 

Wasiirka ayaa si weyn u amaantay adeegga Shirkadda Takaful bixiso ee Bulshada ka caawinaya hab-nololleedkooda aasaasiga ah, sida Caafimaadka iyo wixii la hal maala.

TAKAFUL 2019 (17)

Geesta kale, dhamaan Masuuliyiinta kala duwan ee Xaflada ka qaybgashay iyo Marti-sharafta qaybaha Bulshada ka socday, ayaa halkaasi iskaga diwaan-geliyey inay kamid noqdaan Caymiska Shirkadda Takaful, waxaanay Dadweynaha reer Somaliland ugu baaqeen inay iyaguna ku soo biiraan.

TAKAFUL 2019 (34)

Gabagabadii Munaasibadaasi waxa ay shirkadda Takaful abaal-marino guddoonsiisay qaar kamida Macaamisha ku xidhnaa tan iyo markii Shirkadda la aasaasay, kuwaasoo ay siisay Hadyado ay  ku dhiiri-gelinayso oo qayb ka ah adeegyada ay bixiso Shirkaddu.

 

TAKAFUL 2019 (3)TAKAFUL 2019 (3)TAKAFUL 2019 (1)

 

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net