Shirkadda Boodhari Group oo Guddoomiye Cusub yeelatay

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Sare ee Maamulka (Board of Directors) Shirkadda Boodhari Group, oo ah wershadda labaad ee ugu weyn deegaanka Soomaalida ee soo saarka daqiiqda, ayaa Cali Xaaji Maxamed Siraad u magacaabay guddoomiyaha cusub ee shirkadda.

Cali Maxamed Siraad oo ah hogaamiye khibrad qoto dheer leh, ayaa ah maamulaha Somaliland iyo Somalia u qaabilsan shirkadda Adam Smith International (ASI) oo ah shirkad caalami oo la talisa deeq-bixiyayaasha caalami, dawladaha, hay’adaha maxalliga ah, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed shirkaddu soo saartay, Cali Maxamed Siraad, ayaa xilka guddoomiyaha shirkadda Boodhari Group la wareegi doona 10-ka bisha June ee sannadkan, waxaanu beddeli doonaa Cabdiraxmaan Sheekh Nuur oo ah aasaasihii iyo maamulaha guud ee wershadda oo xilka ka degay.

Guddoomiyaha Xilka ka degaya, ayaa sheegay inay shirkaddu nasiib u heshay inay hesho hoggaamiye khibrad iyo waayo-aragnimo u leh maamulka shirkadaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

“Waxay Boodhari Mills nasiib u yeelatay inay hesho maamule khibrad 20 sanno leh, oo waayo aragnimo u dheertahay, kuna jiray Guddiga Sare ee Maamulka Shirkadda Boodhari Group illaa iyo billawgii asaasaaska shirkadda,” Sidaa waxa yidhi guddoomiyaha xilka ka degaya Cabdiraxmaan Sheekh Nuur.

Guddoomiyaha cusub ee Shirkadda Boodhari Group oo ka hadlay dareenkiisa, ayaa ballan-qaaday inuu shirkadda ka hirgelin doono isbeddel hoggaamineed oo wax-ku-ool ah. waxaanu yidhi, “Waxaan rajeynayaa inaan sameeyo isbeddello cusub oo lagama maarmaan ah si loo kobciyo Mustaqbalka shirkadda.”

Isagoo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Himiladayda istiraatijiyadeed iyo ahdaafta ku wejahan ballaadhinta wax-soo-saarka iyo faa’iidada shirkadda waxaan Guddiga maamulka iyo saamilayda ugu gudbin doonnaa warbixinta sannadlaha ee soo bixi doonta Juun 1-deeda, 2022.”

“Waxaan rajaynayaa in aan shirkadda ka dhigo mid ka mid ah shirkadaha ugu wanaagsan dalka dhowrka sano ee soo socda.” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha cusub ee shirkadda Boodhari Mills.

Ugu dambayntii, waxa uu guddoomiyaha cusub uga mahad-celiyey maamulka sare ee shirkadda go’aanka ay ugu xusheen inuu majaraha u qabto hoggaaminta maamul ee shirkadda.

“Waxaan halkan kalsoonida xilkan ay ii siiyeen uga mahad celinayaa Guddiga Sare ee Maamulka Shirkadda,” sidaas ayuu yidhi Cali Maxamed Siraad.

Wershadda Daqiiqda ee Boodhari Mills oo ay maalgashadeen saamiley Soomaali ah oo Qurbejoog u badan, isla markaana laga hirgeliyey deegaanka Abaarso ee duleedka magaalada Hargeysa oo dhismaheedu muddo dhowr sanno ah ka socday, ayaa xadhigga laga jaray bishii 8aad ee sannadkii hore, xilligaas oo wershaddu si rasmi ah u bilowday wax-soo-saarkeeda.

Ka-sokow maalgeshiga Wershadda, waxa ay shirkadda Boodhari Mills maalgelin ku samaysay beeraladayda Dalka, iyadoo 90 Beerood oo ku kala yaalla gobollada dalka laga beeray dalagga Qamaddiga oo qayb laxaad leh ka qaadanaya wax-soo-saarka Daqiiqda ee Wershadda Boodhari Mills.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net