Shirkadda ALNUUR FURNITURE oo Dharka Cidda oo dhamaystiran u xidhay Carruurta lagu xannaaneeyo Xarunta Agoomaha Hargeysa (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Agabka Guryaha iyo Xafiiska ee ALNUUR FURNITURE, ayaa maanta ku warejisay maamulka Xarunta Agoomaha ee Hargeysa Dharka Ciidda oo shirkaddu u talo-gashay in ka badan 400 wiilal iyo hablo ka kooban ku jira Xarunta daryeelka Agoomaha ee magaalada Hargeysa

Deeqda shirkaddu ugu talo-gashay carruurta ku jirta Xarunta Agoomaha Hargeysa, ayaa isugu jira Dharka Carruurta oo mid kasta oo ka mid ah, gabdho iyo wiilalba, maryaha kol-xidhadka ah iyo kabaha ay ku ciidayaan  iyo agabka carruurta ku ciyaarto munaasibadaha Ciidaha, iyada oo ujeeddada deeqda shirkaddu tahay si ay carruurtaasi farxadda Ciidda ula wadaagaan carruuraha kale ee waalidkood la nool.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMunaasibad gudaha xarunta Agoomaha loogu qabtay wareejinta Dharka iyo agabka kale ee carruurta loogu talo-galay, ayaa waxa ka soo qayb-galay Maamulka Xarunta Agaasimaha Xarunta Marwo Caasha Maxamuud Qaalib oo deeqda ka guddoontay Cabdinaasir Saleeban (Naasir-Gargaar) oo shirkadda wakiil uga ahaa deeqda ay carruurta ugu talo-gashay.

ALNUUR (5)Naasir Saleebaan (Naasir-Gargaar) oo ka hadlay munaasibadda, ayaa sheegay inay shirkad ahaan ku faraxsan yihiin deeqda ay ku wareejiyeen xarunta agoomaha Hargeysa oo shirkadda Al-Nuur sannad kasta sidan oo kale ay uga farxiso carruurta ku jirta Xarunta, waxaanu shirkadaha kale ee dalka ugu baaqay inay Al-nuur Furniture kaga daydaan tallaabada ay hormoodka ugu noqotay taakulaynta ubadka aan waalidkooda la noolayn ee xarunta lagu xannaaneeyo.

ALNUUR (1)“Waxaan halkan ku wareejinayaa agaasimaha Xarunta agoomaha deeq gaaadhaysa ilaa 420 Carruur ah Agabkoodii Ciidda oo dhamays tiran, haday tahay dharkii, Kabihii iyo Qalabkii kale ee carruurtu ku ciyaarto. Waxaanu ugu talo galnay inaanu xasuusin,” ayuu yidhi Naasir Gar-gaar.

Deeqdan ayaa ilaa Sharabaaddada ay kabaha u xidhanayaan Carruurtu ay ku jiraan sida uu Sheegay Naasir-Gargaar, waxaanu xusay in Carruurta Agoomaha ah ee aadka u yar-yar ay qalabka ay ku Ciidayaan maalinta Ciidul-Odxada u diyaariyeen oo ay Shirkad ahaan ka bixin doonaan.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAAgaasimaha Xarunta Agoomaha Hargeysa Caasha Maxamuud Qaalib oo deeqda shirkadda Al-Nuur guddoontay, ayaa maamulka shirkadda Al-Nuur uga mahad-celisay masuuliyadda uu iska saaro taakuleynta Carruurta ku jirto xarunta oo ay sheegtay inuu xil iska saaro munaasibad kasta oo Ciid ah farxad-gelinta ubadka.

ALNUUR (2)Deeqda Shirkadda Al-Nuur ku wareejisay maamulka xarunta Agoomaha Hargeysa maanta, ayaa noqonaysa sannadkii 6aad ee isku xiga ee shirkaddu sidan oo uga farxiso ubadka aan waalidkood la noolayn ee ku jirta xaruntaas, sida uu noo sheegay Naasir Saleebaan (Naasir-Gargaar) oo deeqda ku wareejiyey maamulka Xarunta.

Shirkadda ALNUUR Furniture ayaa iyadu sannad kasta labada ciidood ee Islaamka kafaalo-qaadday Dharka iyo Kabaha ay ku ciidayaan iyo guud ahaanba agabka ay ku cayaarayaan carruurta ku jirta xarunta Agoomaha oo ku taala Xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa.

ALNUUR (4) ALNUUR (3)

SOMALILANDPOST.NET