Shirkadaha Ugu Waaweyn Dalka Taiwan oo Wefti Indho-indhayn ah U Soo Diray Somaliland

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Wefti ganacsato ah oo ka socda Dalka Taiwan, ayaa Soo gaadhay Somaliland si ay u indho-indheeyaan fursadaha Maalgeshi ee dalka ka jira iyo iskaashi dhinacyo badan oo labada waddan dhex-mara.

Weftigan oo ka kooban Wakiillo ka socda Shirkadda Tiknoolajiyada ee AFTA iyo Shirkadda Central Sky International Trading, ayaa Khamiistii soo gaadhay dalka, waxaanay kulamo la qaateen Masuuliyiin u saraysa Wasaaradda Maalgashiga iyo Horumarinta Warshadaha iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska oo ay kawada wada-hadleen arrimo muhiim ah oo khuseeya maalgashiga iyo ganacsiga.

Weftiga ganacsatada Taiwan, waxa kae oo ay kulan midho-dhal la yeesheen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo ay ka wada-hadleen shuruudaha looga baahan yahay shirkadaha dalka ka samaynaya maalgeshiga dhinacyada tamarta iyo macdanta.

Advertisement

Sidoo kale, weftiga Ganacsatada Taiwan, ayaa booqasho ku tagay Rugta Ganacsiga ee Somaliland oo ay kulamo kula qaateen madaxda Rugta Ganacsiga iyo Wakiillo ka tirsan shirkadaha Waddaniga ah.

Masuuliyiinta Hay’adaha Xukuumadda ayaa weftiga Ganacsatada Taiwan u bandhigay fursadaha maalgeshi ee Somaliland sida dhinacyada macdanta, Xoolaha iyo Kalluumaysiga, sida lagu sheegay war kooban oo ay faafisay wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan.

Taiwan iyo Somaliland oo xidhiidhkooda diblomaaasiyeed soo bilaabmay sannadkii 2020-kii, ayaa hore isaga kaashaday dhinacyada daryeelka caafimaadka, tignoolajiyadda, isgaadhsiinta, iyo beeraha.

Waxa kale oo jira wada-hadallo u socda labada waddan oo ay isaga kaashanayaan soo saarista kheyraadka dabiiciga ah.

Labada Waddan ayaa xafiisyo dublomaasiyeed ku leh magaalooyinka Taipei iyo Hargeisa.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement