Shirkadaha ku Guulaystay Dhismaha Cusbitaallo laga hirgeliyo Hargeysa iyo Mashaariic kale oo loo tartamay

 

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Qandaraasyada Qaranka ee JSL, ayaa maanta shaaciyey shirkadaha ku guulaystay Mashaariic loo fuliyo xukuumadda Somaliland oo guddigu qandaraaskooda hore u naadiyey, isla markaana tartankooda ay ka qayb-qaateen 200 shirkadood.

Mashaariicda xukuumaddu fulinayso ee loo tartamay, ayaa ka kooban Shan mashruuc oo ay ku jiraan laba cusbitaal oo laga hirgelinayo magaalada Hargeysa iyo Gaadiid loo doonayo hay’adaha dowladda.

Kulan maanta ku qabsoomay xarunta guddiga Qandaraasyada Qaranka oo ay goob-joog ka ahaayeen Xubnaha Guddiga Qandaraasyada, Wakiillo ka socday Shirkadaha iyo shaqsiyaadka u tartamay fulinta mashaariicda iyo masuuliyiin ka socda hay’adaha dowladda qaarkood, ayaa lagu shaaciyey magacyada shirkadaha iyo shaqsiyaad buuxiyey shuruudihii looga baahnaa.

Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo kulankaas ka hadlay, ayaa mid-mid isku dul-taagay Mashaariicda loo tartamay iyo mid kasta cidda ku guulaysatay fulintooda.

Warkan oo Faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net