Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Xukuumadda Somaliland oo kala saxeexday Heshiiska Saami-qaybsiga Xadhigga Fiber Optic

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley madaxda shirkadaha Isgaadhsiinta oo heshiis saami-qaybsi ah dhexmaray Xukuumadda.

Heshiiskan oo nuxurkiisu yahay in la wadaago lahaanshaha xadhiga fiberka ah oo ah hanti qaran.  Xadhigaas oo ay wada yeelan doonaan Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay heshiishka ku matalayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland.

Madaxda Saddexda shirkadood ee Somcable, Telesom iyo SOMTEL oo uu weheliyo Wasiirka Isgaadhsiinta ee Somaliland, ayaa maanta saxeexay heshiis ay si siman u wadaagayaan Xadhigga Internetka Fiber Optic.

Heshiiska saami-qaybsiga Xadhigga Internetka ee Fiber Optic oo markii hore kooto ugu xidhnaa shirkadda Somcable, ayaa shirkaduhu is-afgarad ka gaadheen kaddib sulux iyo isu-soo-dhawayn xukuumaddu ka dhex-samaysay, waxaanay la sheegay inay saddexda shirkadood ku heshiiyeen inay u qaybsadaan saami-qaybsi ah boqolkiiba 31.7 midkiiba halka xukuumadduna ay yeelanayso Saami ah boqolkiiba Shan.

Kulanka iyo Heshiiskaba waxa saddexda shirkadood u metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Geeddi oo ah mulkiilaha Somcable, Ganacasade Maxamed Siciid Ducaale oo ah mulkiilaha SOMTEL iyo Ganacsade Cabdikariim Maxamed Iid oo ah Guddoomiyaha Telesom.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu shirkadaha Isgaadhsiinta ku bogaadiyey heshiiska dhexmaray iyo Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland ee ku qotoma Isfahanka iyo wada-shaqaynta, waxaanu madaxwaynuhu uga mahadceliyey shirkadaha maalgeshiga ay dalka gashadeen iyo doorka ay ugu fadhiyaan qaranka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net