Shirkadaha Dahabshiil Group oo Mar Keliya Adeegga e-DAHAB ka Daahfurtay Magaalo-madaxyada Toddoba Gobol oo Somaliland ah

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, wasiirro, badhasaabo, maayarro iyo qaybaha bulshada ee kala duwan oo ka kala qaybgalay xaflado shaacinta e-Dahab loogu sameeyey magaalo madaxyada 7-da Gobol

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda DAHABSHIIL Group, ayaa mar keliya adeegga casriga ah ee lacagta lagu isticmaalo telefoonka gacanta ee Mobilka oo loogu magac-daray e-DAHAB ka daah-furtay toddobada gobol ee Somaliland.

IMG_2441Xaflado ballaadhan oo maanta loo sameeyey daahfurka e-DAHAB oo mar ka wada dhacay magaalo-madaxyada lixda gobol ee ugu waawayn Somaliland, kuwaas oo ay ugu miisaan cuslayd mid lagu qabtay huteelka Guuleed ee caasimadda Hargeysa, waxa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaradaha Maaliyadda iyo Duulista Hawada – Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamuud Xaashi Cabdi, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee dawladda Md. Cabdi Dirir, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga, madaxda iyo saraakiisha sare ee shirkadda Dahabshiil Group, masuuliyiin iyo marti sharaf kale oo fara badan.

Maareeyaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil Md. Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo ugu horreyn hadal ka jeediyey xafladdaasi, ayaa sheegay in adeegan cusub ee ay shirkad ahaan soo kordhiyeen uu faa’iidooyin badan u leeyahay macaamiishooda iyo guud ahaan dalka Somaliland, isla markaana qof waliba isagoo gurigiisa ama goobtiisa shaqo jooga uu telefoonka shirkadda SOMTEL awood u yeelanayo inuu lacag ka helo gudaha ama dibadda dalka, si la mid ahna u diri karo, sidoo kalena macmiilkooda lacagi ugu jirto hab-xisaabeedka (account) Dahabshiil uu e-Dahab ka adeegsan karo isticmaalkeeda.

IMG_2420“e-DAHAB Wuxuu waddanka ku soo kordhinayaa shaqo abuur ay fursad ka heleen in ka badan 100 shaqaale muwaadiniin ahi, wuxuu kaalin wayn ka qaadanayaa horumarka dhaqaalaha iyo isu-socodka lacagta, wuxuu fududaynayaa dirista iyo helista lacagihii dadweynuhu safafka u geli jireen,” ayuu yidhi Mr. Cabdiraxmaan.

Siciid Maxamed Siciid Ducaale oo ka mid ah guddiga sare ee shirkadda Dahabshiil iyo Agaasimaha Waaxda e-DAHAB Fu’aad Axmed Nuux oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in adeeggan oo ah mid casri ah oo ammaankiisu suganyahay, samaysayna shirkad ka mid ah kuwa ugu caansan dunida uu ka mid yahay horumarka tiknoolajiga ah casriga ah ay ka gaadhay Somaliland. Waxa kaloo ay xuseen muddo bilo ah oo uu adeeggani ka shaqaynayey uu gaadhay dhammaan magaalooyinka iyo gobollada Somaliland oo ay ilaa hadda iska diiwaangeliyeen in ka badan 100,000 (boqol kun) oo meherado iyo macmiil ahi.

Sidoo kale, Wasiirrada Wasaaradaha Maaliyadda iyo Duulista Hawada – Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamuud Xaashi Cabdi oo iyaguna hadallo ka jeediyey madashaasi ayaa ku hambalyeeyey shirkadda Dahabshiil daahfurka habkan isticmaalka lacagta ee telefoonka gacanta lagu qaato, kaasi oo sahlaya isu-socodka lacagta ee dadweynaha, sidoo kalena wax ka beddelaysa nidaamkii shaqo ee maaliyadda.

Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa khudbad uu ku soo xidhay xafladdaasi, ayaa uga mahadceliyey shirkadda Dahabshiil dadaallada horumarineed ee ay dalka ka wado, isagoo ugu duceeyey in Ilaahay ku guuleeyo adeeggan iyo hawlaha kale ee ay dalka u hayso.

IMG_2414 “Adeegyadan iyo horumarka ay samaynayaan shirkadaheenna waawayn ee iyo ganacsigu wuxuu qayb wayn ka yahay horumarka Somaliland gaadhay, wuxuu qayb ka yahay iibinta magaca Somaliland ee hiigsiga aynu ku raadinayno in aynu beesha caalamka ka mid noqonno, aad baanu u hambalyeynaa, waxaynu nahay ummad dhismaysa iyo dal curdin ah u baahan inuu bulshada caalamka aqoonsi ka helo, taasina waxay u baahan tahay in aynu gacmaha is wada qabsanno, markaa cid kasta oo wax wanaagsan qabsataa waxay wax wayn ku taraysaa magaceenna oo meel sare gaadha. Sidaa darteed, shirkadda Dahabshiil aad baanu ugu hambalyeynaa horumarka badan ee ay wado iyo maalgelinta fara badan ee ay dalka gelisay,” ayuu yidhi Md. Saylici oo xafladdaasi markii ay dhammaatay xadhigga ka jaray dhisme dabaq si casri ah loogu dhisay adeegga e-DAHAB oo ku yaal ka soo horjeedka saldhigga dhexe ee Booliska eek u yaal badhtamaha Hargeysa.

Waxa kaloo xafladdaasi hadallo ka jeediyey Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Md. Cabdi Diri Cabdi iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri, Suldaan Axmed Daahir oo matalayey madaxdhaqameedka, Sheekh Maxamed Aadan oo u hadlay culimaa’udiinka iyo Prof. Ixsaan Cumar oo ka mid ah macaamiisha ka faa’iidaystay adeeggan e-Dahab, kuwaas oo dhammaantood soo dhaweeyey adeeggan oo ay ku ammaanay shirkadda Dahabshiil hirgelintiisa.

IMG_2446BURCO:

Xaflad kulmisay qaybaha kala duwan ee bulshada oo furitaanka e-Dahab loogu sameeyey huteelka City Plaza magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, waxa ka qaybgalay Badhasabka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka Burco, masuuliyiinta Dahabshiil ee gobolka, madaxdhaqameed, ganacsato, haween iyo marti sharaf kale. Waxaanna halkaasi lagu soo bandhigay adeeggan iyo faa’iidooyinkiisa, kuwaas oo madaxda iyo dadweynuhuba si wayn u soo dhaweeyeen.

BOORAMA:

Furitaanka xafiisyada iyo shaqada e-DAHAB ee Gobolka Awdal, waxa munaasibad lagu qabtay huteelka Rays ee magaalada Boorama ka qaybgalay Badhasaabka gobolkaasi Cabdoo Aayir, Duqa demgada Boorama, culimaa’udiin, salaadiin, madaxda Dahabshiil iyo Somtel ee gobolka iyo marti sharaf kale, waxaanna masuuliyiinta iyo waxgaradka ka hadlay ku hambalyeeyeen shirkadda Dahabshiil adeeggan e-Dahab ee ay soo kordhisay oo ay waxtarkiisa soo dhaweeyeen.

CEERIGAABO:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa ka qaybgalay xaflad lagu qabtay magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag oo lagaga dhawaaqay daahfurka adeegsiga lacagta ee moobilka e-Dahab ee shirkadda Dahabshiil soo kordhisay, iyadoo ku wehelinayeen Badhasaabka Gobolka Maxamuud Saleebaan (Ramaax), Maayarka Degmada Ceerigaabo iyo masuuliyiinta heer gobol iyo degmo, boqorro, salaadiin, madaxda shirkaddaha Dahabshiil Group ee Sanaag iyo dadweyne ka kala socday qaybaha bulshada lagu martiqaaday, halkaasi oo si gacmo furan ah loogu soo dhaweeyey adeegga e-Dahab, looguna duceeyey.

BERBERA:

Masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera, xildhibaanno, madaxdhaqameed, ganacsato iyo waxgarad kale, ayaa dhammaantood bogaadiyey furitaanka barmaamijka e-DAHAB ee shirkadda Dahabshiil oo ay kaga qaybgaleen munaasibad loogu qabtay huteelka Barwaaqo ee Berbera. Waxaanna halkaasi ku sharraxay shaqada e-Dahab iyo faa’iidooyinkiisa masuuliyiinta shirkadda Dahabshiil ee Gobolka Saaxil iyo magaalada Berbera, taas oo ay soo dhaweeyeen madaxda iyo dadweynaha madasha joogay.

GABILEY:

Sidoo kale, Maayarka degmada Gabiley Md. Shucayb Maxamed Muuse, ayaa tusaale ka turjumaya horumarka ganacsiga iyo tiknooliga Somaliland gaadhay ku tilmaamay adeegga e-DAHAB ee shirkadda Dahabshiil shaacisay shaqadiisa, waxaanna xafladda loo sameeyey bilowga adeeggan oo marti sharaf kala duwani ka xaadirtay lagu majeertay shirkadda Dahabshiil iyo adeegyada ay dalka u hayso.

IMG_2446 IMG_2425 IMG_2419 IMG_2409 IMG_2389[1] IMG_2389 IMG_2385 IMG_2380 IMG_2373 IMG_2371 IMG_2357 IMG_2353